4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Deeqihii Abaaraha ee ay soo Direen Qurba-joogta Gobolka Awdal oo la Shaaciyay Cadadkeeda


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Shir ay albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Gobolka, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyaba.

Shirkaasi wuxuu ahaa mid looga Arrinsanayay wajiga labaad ee Abaaraha Gobolka Awdal iyo sida dadka abaartu saamaysay wax loogu qaban lahaa iyo sidii; Beero loogu beeri lahaa dadkaas, maadaama ay abaaruhu yihiin musiibooyin dabiici ah oo soo noq-noqon kara.

Kulankan, ayaa wuxuu u dhexeeyay Guddiga Abaaraha Gobolka Awdal, Maamulka Gobolka iyo Salaadiinta dhaqanka, waxaanu ahaa kulankan mid Saxaafaddu dibad-joog ay ka ahayd, kaddib markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta hadal siiyay Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Gobolka Awdal, isagoo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaaraha iyo Gurmadkii kala duwanaa ee ay sameeyeen.

“Wajigii koowaad ee Guddiga Abaaraha wuu soo dhamaaday oo Raashin badan bay soo qaybiyeen, waxayna u soo qaybiyeen 32,000 oo qoys, 14,000 oo ka mid ahna waxaa keenay dowlada, guddiga abaaraha oo is-kaashanaya iyo hay’adaha Qaar. 9,000 waxay ka timid Dawladda Jabuuti, 9,000 oo Qoys oo kalena waxaa bixiyay dadka muxsiniin ah. Shacabka Somaliland iyo waliba Shacabka Soomaaliya. Waxaa maanta xisaabta guddiga abaaraha ku jirta lacag dhan 165,000 oo Doollar, taasoo ah deeqihii soo gaadhay guddiga, Wax deymo ah oo na-lagu leeyahayna ma jirto,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Gobolka Awdal.

Dhanka kale, intii kulankan socday waxaa warbaahinta la hadlay Culumada iyo Salaadiinta dhaqanka, waxayna Guddiga ugu baaqeen in lacagtaasi ay hayaan dadka abaaruhu saameeyay loogu sameeyo in beero loogu qodo si looga maarmo gargaar dambe oo dadka la siiyaa Sababtoo ah Abaaruhu waa kuwo soo noqonoqon kara.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal isagoo yiri. “Raashin qaybintii iyo Tuula heblayaaaanu wax geynaynaynaa iyo wixii inoo yimaada ee kale waa gaar, laakiin waxaan u badalaynaa waxaa maanta ka hayo horumar sida inaan Beerihii ku Qodno, inaa qalabkii beeraha ku iibsano, in ceelal lagu qodo si biyaha roobka looga faa’iideysto.”

Ugu dambeyn, Waxaa gabi ahaanba lasoo gunaanaday Wajigii hore ee Abaaraha Gobolka awdal, iyadoo haatan loo gudbayo waji cusub kaasoo ah in Beero iyo xoolo loo sameeyo dadkii ay Abaartu soo barakicisay.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Magaalada, Boorama