4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Kooxda Atletico Madrid ee Spain oo ka badisay Kooxda Jarmalka ee Bayern Munich (SAWIRRO)

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa xalay uga badisay kooxda Bayern Munich oo ka dhisan dalka Jarmalka 1-0, kaddib markii ay Lugtii hore ee cayaarta Semi-final-ka Koobka Horyaallada Qaaradda Yurub ee UEFA Champions League wada-cayaareen, Cayaartaas oo ka dhacday Garoonka Vicente Calderon ee Spain.

Goolka keliya ee ay Atletico Madrid ku badisay waxaa u dhaliyay Saul Niguez daqiiqadii 11-aad, taasoo ay kooxdu ku Hoggaaminaysay cayaarta illaa intii ay ka Dhammaanaysay, waxaana goolku uu ahaa mid si cajiib ah ku dhashay.

Naadiga Bayern Munich oo muujiyay cayaar wanaag, dhawr jeerna ku sigtay inay gool ka dhaliyaan kooxdihii ay la ciyaarayeen, ayaa haddana waxaa caqabad weyn ku noqday goolka ay Atletico Madrid ka dhalisay qaybtii hore ee cayaarta.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta ayay kooxda Bayern Munich waxay qaybtii laadad u muuqday goolal ku beegtay goosha kooxda Atletico Madrid inkastoo gool-hayahooda Oblak uu ka difaacay shabaqa.

Sidoo kale, Laacibka Alba ayaa ku dhawaaday inuu bar-barro geliyo Atletico Madrid kaddib markii uu meel fog kasoo laaday banooniga, kaasoo ku dhacay birta, taasoo aad uga nixisay cayaartoyda iyo taageerayaasha kooxda Atletico Madrid.

Ugu dambeyn, Kooxda Bayern Munich ayaa 03-da bisha May ee soo socota waxay la cayaari doontaa Kooxda Atletico Madrid, taasoo lugtii labaad ee is-araggooda oo ka dhici doona garoonka Allianza Arena ee dalka Jarmalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya