4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
WARAABE: Waa in Wadahadallada la joojiyo inta ay Dowladda Xasan Sheekh Meesha ka baxayso


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la joojiyo wadahadalka u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, kaasoo in muddo ah hakad ku jira.

Inj. Feysal Waraabe ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh aanay u soo jeedin wadahadallada, ayna taas badalkeeda ku mashquulsan yihiin doorashada kusoo socota ee dhacaysa sannadkan daba-yaaqadiisa.

“Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku jiraan waqti olole ah, doorasho ayaa kusoo dhaw, marka ma ahan in nala isticmaalo oo nagala dhigto ololaha, inta Dowladdaan meesha ka baxayso waxaan ku talin lahaa in wadahadallada oo dhan la joojiyo,” ayuu yiri Inj. Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa sheegay in Dowladda Xasan Sheekh aanay daacad ka ahayn wadahadallada ay kula jirto Somaliland, isla markaana hannaan wadahadal loo wadi karo aanay iminka u muuqan isaga.

Hadalka Inj. Faysal ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuuumadda Somaliland ay ka dhawaajisay dhawaan inay doonayso inay ka miro-dhaliyaan wadahadallada ay kula jiraan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wadahadallada u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa waxay hakad ku jireen tan iyo sannadkii hore, kaddib markii la isku afgaran waayay kulankii ugu dambeeyay oo ka dhacay dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya