4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Ruux loo qabtay Weerarkii habeen ka hor lagu Qaaday Guriga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ayaa sheegtay in la qabtay nin lagu tuhusan yahay inuu ka dambeeyeen mid ahaa kooxo weerarkii habeen ka hor lagu qaaday guriga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan Baarlaamaanka Somalia, kaasoo ay ku dhaawacmeen afar ka mid ah ciidanka ilaalada u ah.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdikaamil Macallin Shukri, ayaa sheegay in hal ruux oo aad looga shakisan yahay loosoo qabtay weerarkaas, isla markaana uu ku socdo baaritaan, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la baadi-goobayo.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in kooxihii weeraray Guriga xildhibaanka ay wateen laba mooto oo kuwa bajaajta loo yaqaan ah, iyagoo markii bambaanooyin ay ku tuureen guriga ka baxsaday.

Dhinaca kale laamaha ammaanka dowladda Somalia ayaa howl-gallo ay Muqdisho ka sameeyeen kusoo qabtay xubno lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay baaritaanno ku socdaan.

Ugu dambeyn, Guriga Xildhibaanka la weeraray oo ay afarta ilaaladiisa dhaawacu kasoo gaaray ayaa wuxuu ku yaallaa agagaarka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo uusan weerarkan wax khasaare ah kasoo gaarin xildhibaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya