4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
Trump iyo Clinton oo Guulo ka gaaray inta badan Shantii Gobol ee xalay ay Cod-bixintu ka dhacday


Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ku guuleystay shan gobol oo kale, isagoo guulo kasoo hoyay dhammaan Gobollada Woqooyi-bari Dalka Mareykanka oo ay xalay cod-bixintu ka dhacday.

Donald Trump ayaa si fudud ugu guuleystay gobollada Connecticut, Delaware, Maryland, Rhode Island iyo Pennsylvania, isagoo gobol walba ka helay 55% Codadkii laga dhiibtay.

Sidoo kale, Trump oo Taageerayaashiisa la hadlay ayaa ku dhawaaqay inuu Dhammaaday Tartankii, wuxuuna isku magacaabay Musharraxa ay u eg tahay in xisbiga Jamhuuriga uu uga Qayb-geli doono Doorashada Madaxtinimada lagu wado inay ka dhacdo Mareykanka bisha November ee sannadkan lagu jiro.

Trump ayaa taageerayaashiisa u sheegay inay jiraan wuxuu ku Tilmaamay heshiis khaldan, isagoo dhanka kalena dhaleeceeyay, habka dhinacyadu ay kusoo xulayaan ergooyinka  ay u baahan yihiin murashaxiinta tartankan kasoo gudbaya.

“Habka ugu fiican ee aan uga gudbi karno nidaamkaas waa sida habeenkan oo kale, Waayo waxaan salka u dhignay hababka codeynta iyo ergooyinka,” ayuu Trump ku xusay hadal uu Taageerayaashiisa xalay ugu jeedinayay Magaalada New York.

Murashaxiinta Ted Cruz & John Kasich oo la tartamayay Trump ayaan ku guuleysan karin ergada looga baahan yahay, sidaas awgeedna waxay dareenkooda u weeciyeen inay Trump ka Hor-is-taagaan inuu ku Guuleysto Murashaxnimada guud ee doorashada Madaxnimo ee Waddanka Mareykanka.

Dhinaca kale, Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka,  Hillary Clinton - ayaa ku guuleysatay afar ka mid ah shantii gobol ee lagu tartamay xalay. Senator Bernie Sanders oo la loomayay ayaa ku guuleystay gobolka Rhode Island oo keliya.

Hillary Clinton, ayaa ku Guuleysatay Gobollada; Pennsylvania, Maryland, Connecticut iyo Delaware, taasoo sheegtay inay tahay guul weyn oo ku dhiirri-gelinaysa in iyada loo xusho inay xisbigeeda uga qayb-gasho doorashooyinka guud ee Mareykanka.

“Taageeradiina awgeed, waxaanu dib ugu laabanaynaa gobolka Philadelphia oo uu ka dhici doona kulan weynaha xisbiga Dimuqraadiga, waayo waxaan haystaa codad iyo ergooyin igu filan,” ayay Hillary Clinton u sheegtay taageerayaasheeda.

Ugu dambeyn, Clinton iyo Trump ayay waxay u muuqataa inay noqonayaan Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha ee Mareykanka ku loolamaya bisha November ee Sannadkaan lagu jiro.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya