4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
SAWIRRO: Kooxda Islaamiga ah ee Daacish oo sheegtay inay xero Tababar ka Furatay Soomaaliya

Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish ee ka dagaallama Waddamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalkii u horreeyay oo ay uga hadlayaan Somalia soo bandhigay, kaasoo ay ku xuseen inay saldhig ay ku tababaraan dagaal-yahanada kusoo biira ka furteen Soomaaliya.

Waxaa muuqaalka ay soo bandhigtay kooxda ISIS/Daacish kasoo muuqday, Sh. C/qaadir Muumin oo horay uga tirsanaa Al-shabaab, balse sannadkii hore ku dhawaaqay inay isaga iyo kooxdiisu ku biireen kooxda Daacish.

Sidoo kale, Dagaal-yahannada ka muuqday muuqaalkaan ayaa xirnaa direys isku midab ah, iyagoo ku hubeysnaa qoryo fudud, dhoolla-tusna sameynayay, waxayna ku dhawaaqayeen inay yihiin ciidamada Dowladda Islaamiga ah ee Daacisha ama ISIS.

Dagaalyahannada muuqaalkan ka muuqday ayaa waxay u muuqdeen dhallinyaro ku jiray tababar, inkastoo aanay ahayn kuwo tiro badan, waxaana daacish ay fariintan muuqaalka ah ku sheegeen inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo biirta.

Xoogaggan ku biiray Daacish oo horay uga goostay Al-shabaab ayaa saldhiggodu wuxuu ku yaallaa Gobollada Bari ee Somalia [Puntland], iyadoo hoggaamiyahooda Sh. C/qaadir Muumin uu horay ugu sugnaa buuraha Galgala oo ay Al-shabaab gacanta ku hayn jirtay.

Ugu dambeyn, Muuqaalkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli kooxdan ay Isniintii lasoo dhaafay sheegtay inay Weerarkoodii u horreeyay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen inay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan AMISOM, inkastoo Madax ka tirsan AMISOM ay beeniyeen warkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya