4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
Ciidamada Jubaland oo weeraray saldhig ay Al-shabaab ku lahayd galbeedka gobolka J/hoose
Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) —Ciidamada Jubaland ayaa shalay gelinkii danbe weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gubukibir oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Taliyaha guud ee ciidamada Jubaland COL Aadan Goojaar oo shabakadda HOL uga warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaasi, isagoo xusay in howlgalkaasi ay ku dileen laba ka tirsan Al-shabaab tiro kalena ay ku dhaawaceen.

"Ciidamada Jubaland ayaa howlgalka fuliyay, waxaana uu kusoo dhamaaday si guul ah, deegaanka Gubakibirna ciidanka ayaa gacanta ku haya, maleeyshiyaadkii ku sugnaa waa laga ceeyriyay," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Dhanka Al-shabaab ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaasi oo kasoo baxay, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadka.

Dhinaca kale, dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaanada dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay deegaanada ku yaal galbeedka gobolka J/hoose waxa ay ka wadeen weerarro qorsheeysan oo ay la beegsanayeen saldhigyada Al-shabaabb ay ku leeyihiin deeganadaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.