4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
WARBIXIN: Halkee Buu Marayaa Shir-weynaha DIB u Heshisiinta ah ee ka Socda Beledweyne?


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Ku dhawaad mudo bil ah, waxaa degmada Beledweyne ka Socda Shir-weyne Dib-u-heshiisiineed oo ay soo Qaban-qaabiyeen Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Shir-weynahaan oo ay ka Qayb-qaanayaan inta badan beelaha Gobolka Hiiraan, ayaa salka ku haya sida ay ka dhawajiyeen duubabka dhaqanka dib-u-hishiisiin, is cafin, nabadeyn iyo sidii loosoo af-jari khilaafka Beelaha ka dhaxeeya, Waxaana jira Guddi gaar ah oo Arrintan ugu xil-saaran shirka, kuwaasoo go'aamiya inta badan hadba ajandaha ay tahay in uu shirku ka dooddo.

Kulankii ugu dambeeyay ee maanta ayay wakiillo ka kala tirsan Beelaha waxay kusoo ban-dhigeen halka ay u marayso soo xulista guddiyo ka kooban min 15 xubnood  beel walba ku matali doona shirka, kuwaasoo ballan-qaaday in maalmaha soo socda sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbin doonaan.

Shirka ayaa muddadii uu socday xooga saaray sidii loo joojin lahaa colaad u dhexeysa laba beelood oo wada-dega Galbeedka Gobolka Hiiraan, kuwaasoo dhawaan uu dagaal ku dhax-maray deegaan hoos-taga Magaalada Beledweyne, iyadoo Arrintaas loo xil-saaray Guddiyo ay ka mid yihiin; waxgaradka kasoo kala jeeda labada beel, kuwaasoo ku dadaalay hakinta dagaalka iyo ka hor-tagga in Colaadu kusii baahdo deegaanno kale.

Inkastoo, Marka dhinac laga eego dib-u-hishiisiinta Somalia ay u baahan tahay in waqti iyo dhaqaale la geliyo, madaama mararka qaar ay qakhab tahay in deegaannada ay colaaddu ka jirto la tago, ayaa haddana shirka dib-u-heshiisiinta ah ee ka socda magaalada Beledweyne wuxuu u muuqdaa mid illaa xad ay Duubabka-dhaqanku Xoogga Saarayaa in Bulshadu si furan u wada-hadasho, si ugu yaraan looga heshiiyo khilaafaadyada muuqda ee u dhaxeeya beellaha.

Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Somalia kama aysan hadal Shirkaan oo qayb ka ahaa Qodobbadii la isku Khilaafay ee Duubabka-dhaqanka Hor-dhigeen Mas'uuliyiinta ugu Sar-reysa Dowladda federaalka Soimaaliya, si loo sii ambaqaado Geeddi-socodka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo ah afhayeenka Shirka, ayaa HOL u sheegay in mar walba Soomaalidu u baahan tahay dib-u-hishiisiin, sidaas darteed ay dhankooda soo dhaweynayaan cid kasta oo howshaan gacan ka geysan karta, laakiinse wuxuu hoosta khad ka mariyay in dhinacooda ay sii wadi doonaan dadaallada nabad raadinta ah.

Marka laga soo tago wajigii hore ee Shirka Dib-u-heshiisiin, Waxaa jira doona waji kale oo lagu magacaabo Aayo-ka-tashi, kaasoo sida la sheegay Bulshada ku dhaqan gobolka go'aan uga gaari doonaan masiirkooda & mustaqbalka jihada siyaasadeed oo ay qaadayaan, marka laga hadlayo Nidaamka Federalism-ka.

Iyadoo arrimahan oo dhan ay jiraan, ayaa dhinaca kale Magaalada Jowhar, waxaa ka socda wajigii 2-aad Shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan & Shabeellada Sh/dhexe oo uu duray Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa].

Laakiin guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan go'aan uu ka so saaray shirka, waxaa lagu sheegay, in marka loo baahan yahay in lagu soo Af-jaro wixii khilaaf ah ee jira, muddo 45 casho gudahood ahna lagu soo dhameeyo dhismaha maamulka.

Ugu dambeyn, lama oga sidda ay marka danbe isku waafaqi doonaan labada shir ee ka kala socda Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo Dad badani u arkaan Shirar haddii aan la mideyn sii fogeyn kara xalka maamul buuxa oo ay yeeshaan labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya