4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Xaaska Madaxweynihii hore ee Kenya Lucy oo ku geeriyootay isbital ku yaala Magaalada London


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Xaaskii Madaxweynihii Hore ee Kenya, Muwi Kibaki oo lagu magacaabi jiray, Lucy Kibaki - ayaa ku geeriyootay Isbitaal magaalada London ee Caasimadda Britain ku yaalla, lama shaacinin weli xanuunka hayay ee ay u Geeriyootay.

Waxyaabahaas lagu xusuusto haweeneydan ayaa waxaa ka mid ahaa; mar ay dhar-baaxday nin filim-qaade ah Sannadkii 2005-kii, markaasoo ay gashay xafiisyada Warbaahin gaarka loo leeyahay, iyada oo ka caraysan sida loo tabiyay sheeko iyada ku saabsanayd.

Lucy Kibaki ayaa ku geeriyootay 76-jir, iyadoo dhalatay sanadkii 1940-kii, laakiin laguma arag fagaarayaasha qaybihii ugu dambeeyay nolosheeda, waxayna intii ay ahayd Marwada koowaad ee Waddanka Kenya ay fagaarayaasha si weyn uga muuqan jirtay.

Saygeeda Madaxwaynihii hore ee Kenya, Muwai Kibaki ayaa xukunka hayay Sannadihii u dhexeeyay 2002-kii illaa 2013-kii, waxaana xilka kala wareegay madaxweyne Kenyatta-ha haatan xukunka waddankaas haya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Saygeedii Kibaki oo ahaa madaxwaynihii hore ee Kenya, ayaa ku Ammaanay Lucy doorkii ay ku lahayd dagaalkii  weynaa ee ay Kenya la gashay caabuqa HIV iyo weliba Xanuunka uu keeno ee AIDS-ka, kaasoo si ba'an waxyeelo ugu geystay Shacabka Kenya.

Ugu dambeyn, Lucy Kibaki ayaa fagaarayaasha oo lagu arko waxaa u dambeysay sanadkii 2010-kii, markaasoo ay ka qaybgashay xaflad, iyada oo markaas u muuqatay inay si aad ah ula dhac-sanayd Dastuurka cusub ee Dalka Kenya, sida uu ku Warramayo wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa magaalada Nairobi.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya