4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Saudi Arabia oo dhaqaalaheeda wax ka bedelaysa si ku Tiirsanaanta Shidaalka ay uga Kaaftoonto


x
Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Xukuumadda Saudi Arabia ayaa meel-marisay Qorshe is-bedelo lagu samaynayo dhaqaalaha dalkaas, kaasoo loogu talo-galay in lagu Casriyeeyo, dhawr Noocna looga dhigo Dhaqaalaha Boqortooyada Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga, ayaa sheegay in Qorshahaan uu yahay mid lagu doonayo in lagu dhimo ku tiirsanaanta Sucuudigu uu ku tiirsan tahay lacagaha ay Shidaalka ka helaan 15-ka Sannadood ee soo socda.

Sidoo kale, Qorshahaan ayaa la sheegayaa in la filayo in lagu sameeyo lacag gaaraysa laba Trilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo lagu Maal-gelinayo Adduunka oo dhan, taas oo la sheegay inay qayb ka tahay isbedelka dhaqaalaha Sucuudigu uu qorsheynayo.

Dowladda Sucuudiga, ayaa ku dhawaad 80% Wuxuu dhaqaalaha kaga yimaadaa Shidaalka oo Dalkaas uu hodan ku yahay, balse waxaa saameeyay Sicirka shidaalka ee hoos u dhacay caalamka oo dhan sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

Isbedelkan dhaqaale ee uu Sucuudigu ku dhaqaaqayo ayaa la filayaa in Shirkada Shidaalka ee dalkaas ARAMCO ay ku sameyso maal-gashi caalami ah oo kala duwan, si Qorshahaan uu u hir-galo Sannadaha soo socda.

Qorshahan is-bedelka Dhaqaale ee Sucuudiga, ayaa waxaa ku dhawaaqay Amiir Mohamed bin Salman, isagoo sheegay inay tani billow u tahay in Sucuudigu uu ka kaaftoomo inuu ku tiirsanaanta dhaqaalaha shidaalka kasoo gala.

“Waxaan doonaynaa inaan Qorshahan cusub si dhab ah ugu hubinno inaanu Noolaan karno Shidaal la’aan 15-ka Sannadood ee soo socda. Waxaana Qorshahan Vision-ka 2030-ka aan ku doonaynaa inaan dalkeenna ku horumarino dhaqaale ahaan,” ayuu yiri Amiir Mohamed bin Salman.

Ugu dambeyn, is-bedelka dhaqaale ee Sucuudigu Shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah:

1. In 5% saamiyada Shirkadda Shidaalka ee ARAMCO la iibin doono.
2. In  lacagtaas Qaarkeed lagu sameyn doono Maal-gashi dhan 2-Tirilyan oo Doollar
3. In Habka Cusub ay Muslimiinta iyo Carabta uga shaqeystaan Sacuudiga Muddo fog.
4. Talaabooyin lagu samaynayo noocyo dhaqaale oo kala duwan ayaa la qaadayaa oo ay ku jirto maal-galinta Macdan-qodista iyo ballaarinta wax soo saarka Qalabka Millateriga.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya