4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Dagaal Ciidamada Millateriga Somalia iyo Al-shabaab oo ku Dagaallamay Deegaanka Daynuunaay


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ku dhexmaray ciidamada Millateriga Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii Xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Somalia ku leeyihiin Daynuunaay oo 30-km u jirta Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Xoogaggii Al-shabaab ayaa la sheegay inay Saldhiggaas ka Qaateen gaari yar oo ah kuwa Raaxada oo halkaas looga cararay, iyagoo markii dambena isaga baxay saldhigga, waxaana saacado kaddib dib ugu laabtay ciidamadii Somalia.

“Weerarku wuu jiraa, khasaare dhimasho & dhawac ah ayaana labada dhinac kasoo gaaray, laakiin ciidanka dowladda ayaa ka hortagay, dib uga celiyay,” ayuu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Xasan Cabdi Maxamed.

Sidoo kale, Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda Somalia ayaa xusay inay ka dileen Al-shabaab tiro dagaal-yahano ah, ayna ciidamada dolwadda Somalia ay ku sugan yihiin Sal-dhiggii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ciidammo gurmad ahaa oo ka tagay Baydhabo ayay Al-shabaab ku weerartay Deegaanka Maanyo-fuulka oo ku dhaw Degmada Baydhabo, halkaasoo dagaal uu ku dhex-maray labada dhinac waxaana ku dhintay shan qof oo la sheegay inay isugu jireen ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili maalin ka hor ay waddada u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-hakaba ay isku qarxayeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya