4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
SUUBAN: Dhibane Tiiraanyadeeda kaga Bogsanaysa Nooleynta Rajada iyo Niyada Dhibanayaasha la midka ah

Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Dhibaatooyinkii Sir-gaxnaa ee ka dhacay Somalia, waxay mahadhooyin reebay uur-ku-taallo iyo ciil uga tageen Mayaaliin ruux oo Dunida guud keeda saaraan, waxaa dadkaasi ku jiro soomaali ka bugta caloosha la’na meel ay ku uur fiyoowaadaan ama ay kaga bogsadaan dhibaatadda gaartay.

Dagaaladda iyo xasilooni la’aanta soomaaliya ay dariska la noqotay waxa ay maalin kasta ka ooysiiyaan qoys soomaaliyeed ,marka uu jirka go’o ama dhaawac gaaro waxaa ilmeeya inta kale ,imisa qof ayaa waayay qeyb ka mid ah hilibooda, imisa ayaa maanta dhaawac ah oo aanan ogeyn xiliga ay bogsoonayaan ,imisa ayaa lixaadka beeshay oo ilmeeya marka ay soo xasuustaan wixii gaaray ,misa ayaa hantidooda la qaatay iyaga oo u jeeda ,imisa ayaa dadkooda lagu hore dilay ,imisaa isku duushay ,is dakaneeyay ,qadarta Alle waa halkeeda balse waxaa sabab u ahaa sed bursiinyadda Aadanaha.

Ma sahlana in maanta ay calool fiyoowi ku joogaan dadkii eheladooda waayay waliba si u geesi la’aan ah waxa ay qaadaneysaa muddo in lagu qanciyo wixii dhacay in ay ahaayeen wax la ilaawi karo in kastoo qalbiga qofka aysan si fudud uga go’in waxyaabaha gaaray qof ahaan ama shaqsi ay isku hilib yihiin ku dhacay.

Ma baran dadkeena inta uu dhibka ku dhaco, haddana u istaago in ay dadka kale ka wacyi galiyaan uur gubashadda, bulshadeenuna ma ahan bulsho is fudud isku cafiso waxaa taasi tusaale u ah is dakaneynta ama kala aar goosiga.

Balse dad faro ku tiris ah oo ay mid tahay Suuban Mahad Dirir waxa ay qaadatay go’aan ka duwan mid kaas iyadda oo door muuqda ku deeqeysa bulshadda inteedad kale sida looga bogsan karo dhaawaca mahadhada leh ee qofka asiiba.

Suubaan Mahad Dirir waa haweeney da’ dhaxaad ah waxa ay muddo sanado  ah ku nooleyd wadanka Canadda ee Waqooyiga America ,waxa ay u qaabilsanaha Ganacsiga Cumaan ee soomaaliya u tahay dowladda , Suuban Mahad Dirir ,waxa ay la dhalatay Alla u naxariisto Sade Mahad Dirir oo 27 kii bishii March kooxo hubeysan ku dileen degmadda Hurwaa ee gobolka Banaadir ,dilka Zade waxaa Suuban uga horeeyay Adeerkeed ,iyo wiil la ima adeer ahaa.

Hase yeeshee halkii ay la noolaan laheyd tiiraanyada ku dhacday waxa ay qaadatay go’aan kaas oo aan kaliya waxa ka badaleyn nafteeda balse isbadal ku sameyn kara  nolosha bulshada iyada oo kale ah,

Hadda Waa aas aas ah ururka loogu magic daray Rajo Soo Celin ,kaasi oo diirada saara horumarinta aadanaha , tiiraanyo bixinta iyo ku dhiiro galinta bulshada in ay wax qabsadaan ,noqdaana dad noloshooda ku la maaniya is cafinta,iyo iyada oo u istaageysa soo celinta rajadii luntay ee qeyb ahaan bulshadda soomaaliyeed.

Suuban oo aan la kumay waxa aan weydiiyay sababta waqtigan ay ugu hal fikirtay in ay sameyso urur rajo soo celin ah.

Waxay ku warcelisay : muddadii la dilay saddex ka  mid ah ehelkeyga oo uu walaalkey ku jiro ayaa inta aanan ka guban lahaa uurka door biday in aan is ilaawsiiyo wixii dhacay dadkana ay ila dareemaan in waxa dhacay ay haayeen wax qoran samirkuna uu muhiim yahay .

Isla wareysiga ayay Suuban Mahad Dirir ku sheegtay in ay fureyso Xarun dadka loogu sameeyo wacyi galin ,iyo in dhalinyadda soomaaliyeed loo sameeyo shaqo si aysan u rajo beelin taasina sida ay rumeysan tahay waxa ay baajin kartaa tahriibka ama socdaalka aanan sharciga aheyn.

Ugu dambeyn, Waa hal doorasho wanaagsan in dadkeenu ay ku fikiraan in dhexdooda ugu yaraan ay iska meeri karaan uurku taalladda balse cadaaladda ayaa lafdhabar u ah in qofka ay ka yareyso dib u gocashada aanan taageereyn nolosha qofka.

Waa dhif iyo nadir in aan isku calool fiyoowaano inta uu danbiiluhu xur ku yahay danbiila-nimadiisa balse waa lagama maar maan in aad noqoto qof dadka cafiya si aad u qaadato wixii wanaaga ah uu qofkaasi lahaa.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya