4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
Taliye ku Xigeenka Mucaaradka South Sudan oo Dib ugu Laabtay Magaalada Juba (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Taliye ku xigeenka jabhadda mucaaradka ah ee Dalka Koonfurta Sudan, Alfred Lado Gore ayaa shalay ku laabtay Magaalada Juba, isagoo sheegay inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar la filayo inuu Juba tago Isniinta soo foolka leh.

Mucaaradka South Sudan ayaa magaalada xarunta ah ee Juba isaga cararay muddo haatan laga joogo laba sano, markaasoo uu khilaaf sababay dagaallo soo dhex-galay Hoggaamiyaha Jabhada SPLA, Riek Machar oo madaxweyne ku xigeen ahaa iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, Waxayna dib ugu soo laabashadoodan Juba imaanaysaa kaddib heshiis ay mucaaradka iyo xukuumaddu kala saxiixdeen muddo siddeed bilood laga joogo.

Sidoo kale, Dib u soo noqoshada xubnaha Mucaaradka ee Juba, ayaa waxay fure u noqonaysaa fulinta heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen Ogoosto sannadkii hore, Inkastoo saxiixa heshiiskan kaddib ay dhowr jeer dhinacyadu isku dhaceen.

Xarunta South Sudan ee Juba, ayaa waxaa illaa hadda dib ugu laabtay 1,300 oo ka mid ah xoogagga mucaaradka dalkaas, iyadoo la filayo inay ciidammo kale oo mucaaradka ka tisran la filayo inay waqtiyada soo socda ku laabtaan magaalada Juba.

Hoggaamiyaha Jabhadda SPLA ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa lagu wadaa inuu Juba tago Isniinta soo socoda, iyadoo loo dhaarin doono xilkii uu madaxweyne Salva Kiir mar kale u magacaabay oo ah ku xigeenkiisa.

"Waxaanu hirgelin doonnaa heshiiskii la saxiixay. Waana in innagoo dhan aanu dalkeenna u horseedno horumar," ayuu yiri Gore oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Juba, markii uu shalay ku laabtay.

Kumannaan kun oo qof ayaa ku geeriyooday Colaadaha Sokeeye ee Dalkaas ka billowday dhamaadkii sannadkii 2013-kii, kuwaasoo dilalkooda la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamada Kiir iyo kuwa Machar, balse Gore ayaa wuxuu sheegay inaysan dagaallada mararka qaarkood dhacay aysan heshiiskan wax carqalad ah ku sameyn karin.

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dagaallo xoogagga mucaaradka ah iyo kuwa xukuumadda ku dhexmaray gobolka ku yaalla galbeedka South Sudan ee Bahr el Ghazal, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay sheegtay inay dad shacab ahi ku dhinteen.

"Waxaan u aragnaa isku-dhacyadan cusub inay u muuqdaan inay colaadii dib u soo laabanayso. Waxaana wixii khasaare ah ee dhaca mas'uul ka ah labada dhinac ee Awoodda dalkaas isku haya," ayuu yiri Mark Toner oo ku xigeenka u ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Mucaaradka Dalka South Sudan ayaa sheegay in xukuumadda ay 16-qof oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ah ay xarig iyo jir-dil u geystay, kuwaasoo ku socday garoonka Juba si ay u soo dhaweeyaan Gore.

"Falalka lagula kacay xubnaha mucaaradka waa mid nasiib-darro ah, waan ka xunnahay, waanan cambaareynayaa. Waxaana rajeynayaa in naloo sharraxo sababtii keentay in la xiro," ayuu yiri Gore.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Juba oo lagu magacaabo, Akol Paul oo isna la hadlay saxaafadda ayaan soo hadal qaadin xariggan, balse wuxuu sheegay in wax walba oo jira la hagaajin doono.

"Colaaddu waxay socotay muddo laba sano ah, dhibaatooyin badan ayaanan ka dhaxal-nay. Waxaanan caddeynayaa in maanta ay xaaladu ka wanaagsan sidii ay ahayd shalay, berrina ay kasii wanaagsanaan doonto," ayuu yiri Paul.

Ugu dambeyn, Fulinta heshiiskii ay sanadkii hore kala saxiixdeen Mucaaradka iyo Xukuumadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa imaanaya iyadoo lagu daray dalkaas dhowr bilood ka hor Ururka is-kaashiga Bulshada Bariga Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya