4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
Qarax ay tiro Dad ahi ku Naf-waayeen oo Maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Degmada Afgooye


Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ayaa ku dhintay, in ku dhaw Toban ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay Gudaha Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Nooca Qaraxan oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa qaarkood waxay sheegayaan inuu ahaa Bam-gacmeed, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa Miino horay loogu sii aasay suuqan, iyadoo sidoo kale la sheegay in qaraxan uu laayay xoolo fara badan oo iib ahaan suuqaas loo keenay.

Goob-joogayaal, ayaa laga soo xigtay inay arkeen Maydadka illaa 4-qof oo uu ku jiro askari ka tirsanaa kuwi canshuuraha qaadayay, xoolo fara badan oo ku sugnaa suuqaasna uu qaraxu laayahay.

"Wuxuu Qaraxu dhacay barqonimadii maanta, waxaana arkay maydadka in ku dhow Afar ruux oo uu ku jiray Askari, waxaa sidoo kale arkay dad badan oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan," ayuu yiri goob-jooge la hadlay warbaahinta.

Hawshii ganacsi ee Suuqa ayaa hakad galay, iyadoo ciidamadii qaraxan lagu weeraray ay fureen rasaas badan oo la sheegay inay waxyeellooyin kasoo gaartay dad shacab ah oo suuqaas ku sugnaa.

Ugu dabmeyn, Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ku yaalla suuqa ugu weyn ee lagu iibsado Xoolaha Nool, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay ka tahay mas'uul Qaraxaan, Dhanka kalena weli kama aysan hadlin mas'uuliyiinta maamulka iyo dowladda Somalia qaraxan khasaaraha geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya