4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
CADAANI: Somaliland qayb kama ahan Arimaha Soomaaliya, Waana Dambiile qofkii ka qayb-gala


Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii lagu soo Gunaanaday shalay Muqdisho ee lagu sheegay in Somaliland ay Madax-dhaqameedku ku meteli doonaan soo xulaan xildhibaanada Dowladda Federaalka Somalia, maadaama ay Somaliland xilligaan qayb ka ahayn Maamulada ku shiraya Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaanni, ayaa sheegay inay dambiile qaran tahay qofkii magaca Somaliland kaga qaybgalla shirarka Soomaaliya ee Muqdisho ka socda.

Caddaani oo saxaafadda la hadlayay, ayaa xusay inay u caddeynayaan Beesha Caalamka in Shirkaas Wada-tashiga Somalia aanay Qayb ka ahayn Somalilnad, isla markaana aanay jirin dad u matalaya shirkaasi oo ka qaybgallay.

"Waxaan u cadaynaynaa beesha caalamka haddii aanu nahay Jamhuuriyadda Somaliland in aanay jirin wax la yiraahdo midnimada Somalia oo Somaliland qayb ka tahay,isla markaana ay Somailland hore u diiday 1961-kii, Aftidii laga qaadayay Somalia ee Ansixintii dastuurkii midnimadda Soomaaliya oo dadka reer Somaliand diideen dastuurkaasi iyo midnimadaasi, sidoo kale Somaliland marnaba qayb ka noqon arrimaha Soomaaliya, Rubuc Qarnigii ugu Dambeeyay," ayuu yidhi wasiir Cadaani.

Isagoo intaas sii raaciyay. "Waxaa ayaan-darro tahay hadallada is-dhaafka ah ee Muqdihso kasoo baxaya ee marna ay leeyihiin Somaliland hore ugama qayb-galin - Haddana dad kale oo iyaga matala ayeynu halkan ku Samaysanayna waa wax lala yaabo. Beesha Caalamka Waxaan u caddeynayaa cidda qudha ee meteli karta shacabka Somaliland ay tahay dadka iyo madaxda ay Bulshadu Masiir-koodda siiyeen oo ah Dowladdii la doortay iyo labadda gole qaran, cid madax dhaqameed ah oo aanu ognahay oo dalka magac ku leh oo meel u matalaya aanay jirin, waxa kale oo aan sheegaya qof Somaliland ka socda magaca uu doonno ha sheegto oo shirka Somalia magaca Somaliland kaga qaybgallayaa in aanay dhicin horana u dhicin imika dhicin haddii uu dhacana uu noqonayo Dambiile qaran".

Dhawaaqan ayaa ka dambeeyey kaddib Bayaankii Shirkii Wada-tashiga Somalia lagu sheegay inay ka Qayb-galeen dad Somaliland matalaya oo madax-dhaqameedku soo xulaan, Maadaama aanay Suuro-gal ahayn, in Somaliland Xildhibaanada u matalaya Dowladda Fadaraalka Somalia laga soo xullo goboladda ay ka kooban tahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland