4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
SAWIRRO: Shirka Maal-gashiga Dubai oo looga Hadlay Fursadaha Maal-gashi ee Soomaaliya

Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Inkastoo xaalado Amni-darro iyo Dagaallo Sokeeye oo muddo soo jiitamayay ay Soomaaliya kasoo kabanayso, ayaa haddana xilligaan ka muuqanaya fursado badan dhanka maal-gashiga ah.

Xarunta Somalia ee Magaalada, ayaa waxaa ka socday dib u dhisyo ballaaran sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Al-shabaab laga saaray magaalada sannadkii 2011-kii, iyadoo ganacsiga uu aad u soo xoogtay.

Ganacsato shisheeye ah iyo hay'adaha maal-gashiga ee caalamiga ah ayaa u arka Somalia inay tahay meel la maal-gashan karo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka amniga ah, haddana rajada maal-gashi ma ahan mid liidata.

Haddaba, Shirka Maal-gashiga Caalamka ee Dubai ka Isniintii oo sanadkan ay ka qayb-galayaan in ka badan 50-hay'adood oo maal-gashi, ganacsato ay ku jiraan Soomaali iyo maal-gashadaal, ayaa waxaa looga dooday fursadaha maal-gashi ee suuqyada soo baxaya oo ay Somalia ka mid tahay.

"Kulanku wuxuu ahaa mid looga hadalyo fursadaha ganacsi ee suuqyada soo baxaya oo ay Somalia ku jirto, taasoo ay si aad ah u daneynayeen in xilligan ay maal-gashadaan shirkado caalami ah," ayuu yiri Abuu-bakar Mubaarak oo ah madaxa shirkadda Royal Meats oo saldhiggeedu yahay Dubai, shirkana ka ka qaybgalay.

Mubaarak oo la hadlayay HOL ayaa mar kale yiri. "Maal-gashiga Somalia ee inta badan diiradda la saarayay ayaa waxay kala ahaayeen; Garoommada, Isgaarsiinta, Dekedaha, Beeraha, Kalluumeysiga & Xoolaha nool ee Somalia."

Sidoo kale, Horumarradan ayaa waxay imaanayaa kaddib markii November sannadkii hore uu Baarlamaanka federaalka Soomaaliya meel-mariyay sharciga maal-gashiga shisheeyaha ee Somalia, kaasoo gacan ka geysan kara dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, sannado badan oo colaado ah kaddib.

Hay'adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa sheegtay 2012-kii in Somalia ay ka mid tahay Dalalka ugu hooseeya dhanka Horumarrada, iyadoo liiska Caalamiga ah ee Qiimeynta horumarka ka gashay 0.285.

Ugu dambeyn, Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Somalia ayaa buuxiyay booskii shaqo, iyagoo shaqooyin siiyay Kummanaan Qof, si ay dhanka nolosha qoysaskooda iyo qaraabadooda uga Caawiyaan, inkastoo ay dalka weli ka jiraan xaalado la dhihi karo waa kuwo amni-xumo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya