4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
SAWIRRO: Siilaanyo oo Abaal-mariyay Saraakiil Dad Maati ah ka badbaadiyey Daadadkii Dilla

Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Abaal-marin isugu jirtay Dallacsiin iyo lacag maamuus ah siiyey laba sarkaal oo oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo badbaadiyey toddoba qof oo daad ku qaaddi lahaa magaaladda Dilla ee gobolka Awdal.

Sarkaalka iyo sarkaal ku xigeenka oo magacyadoodu kala yihiin, Maxamed Wacays Allaale iyo Maxamed Cali Barre, ayaa midna hore u haystay darajadda Xidigle oo laga dhigay laba xididgle, midna ahaa Laba xadhigle oo laga dhigay Xiddigle. Waxa kale oo hadyad ahaan loo siiyey lacag aan cadadkeedda la shaacin, taasoo lagu siiyey kadib markii ay badbaadiyey Dad maati ah oo daadadi ku qaadeen degmada Dilla, kuwaasoo markii ay badbaadiyeen ka  saaray dusha sare geed, isla markaana isagu halis ku gallay inuu daadku qaato.

"Waxaan - aad iyo aad idin kaga mahad-naqayaa shaqada Na- huridda, Islaam-nimada iyo waddaniyadaleh ee aad ku badbaadiseen dadkiina, Ilaahayna ha idinka jasaai siiyo, aadna waad u mahadsantihiin"ayuu yidhi madaxweyne Silaanyo oo xafiiskiisa abaalmarinta ku siinayey labadan sarkaal.

Intaas ka dibna Madaxweynaha oo hor-taagan labada Sarkaal lagu tolay darajada cusub, waxaana garbahooda laga siibay derejadii hore, waxaana gacmaha loo saaray abaal gudka lacagta ee la siiyey, ka dibna waxay salaam ciidan salaameen madaxweynaha.

Wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku Sifeeyey labadaan Sarkaal inay yihiin halyeeyo Qaran oo iyagoon aanay cidi amrin damiirkooda isku diray, Wuxuuna yidhi. "Madaxweynuhu hor-tiinna waxa uu ku gudoonsiiyey labadaa sarkaal shaqada geesinimada ahayd ee ay ka geysteen gurmadii daadkii ku soo jabay Dila, taas oo ahayd masuuliyad iyo isxilqaan ay ku tallaabsadeen iyadoo aanay cidina Amrin, Arrintaa darteed - madaxweynaha Somaliland wuxuu go’aansaday inuu abaal gud iyo derejo isugu daro".

Wasiirka Madaxtooyadu, wuxuu kaloo ka hadlay shaqada ay booliiska Somaliland u hayaan dalkooda, taasoo uu bogaadiyay, kuna ammaanay waajib gudashadooda, Wuxuuna yidhi. "Dunida laguma qiimeeyo dhacdooyinka hada dhaca, waddamada ugu waa weyn ee ugu amaanka adag leh, ayaa habeen walba intaas o goobood dil ka dhacaa, waayo dabeecada iyo sunaha binu-aadamkay ka mid tahay in lays dilo iyo in lays dhaco.Dawladda laguna qiimeeyo falalka dhacaya, waxase lagu qiimeeyaa siday wax uga qabatay falalka dhacaya, guushooda iyo guul daradooda waxa lagu qiimeeyaa siday falalka dhacaya uga jawaabaan."

Wasiirku wuxuu tixraacay shaqooyinkii labadii bilood ee u danbeeyey ay qabteen ciidanka boolisku, waxaanu sheegay inay faldanbiyeedyo culus oo dhacay mudadaa ay si degdeg ah uga jawaabeen ciidanka boolisku, kuna guulaysteen inay gacanta ku soo dhigeen kuwii fal-danbiyeedyadaa ku kacay, isagoo tusaale u soo qaatay in todobaadkii u danbeeyey lix fal-danbiyeed oo dil ahi dhaceen, shan ka mida gacan ku dhiiglayaashii dilalka fuliyey gacanta lagu soo dhigay, Cadaaladana dhaqso loo horgeynayo, iyadoo cidii geysatay faldenbiyeedka lixaadna geysatay ay ku dabajiro jiraan ciidanka amaanku sidii ay u soo qaban lahaayeen.

Taliyaha Booliiska, Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa isaguna halkaasi ka jeediyey warbixin ku saabsan waxqabadka ciidanka booliiska, isagoo xusay fal-danbiyeedyo dhagar u badnaa oo ka dhacay dalka bilihii u danbeeyey, kuwaas oo uu sheegay dhamaanba inay dadkii geystay ay gacan ku soo dhigeen, kana mid ahaayeen budhcadii weerartay sanduuqa diwaangelinta ee jiida lughaya, iyo dilkii taliyihii qaybta booliska Berbera iyo kuwo kale oo ka danbeeyey, marka laga reebo kii u danbeeyey.

Si kastaba ha ahaaatee, labadan sarkaal ayaa la sheegay in maalintii Daadku ku dilay shanta qof magaaladda Dilla ay dad badan ka badbaadiyeen Daadkaasi, iyagoo dumar iyo Caruur ay daadka ka soo reebeen ay geed saareen, halka iyaguna laftoodda daadku qaateen oo mar dambe ilaahay ka badbaadiyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland