4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
Ciidankii Col. Barre Hiiraale oo la geeyay Kismaayo lana dajiyay saldhiga ciidanka Itoobiya


Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Ciidamadii Col. Barre Aadan Shire [Hiiraale] oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaashii looga adkaaday dagaalladii Kismaayo ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Jubbaland iyo kooxo hoggaamiyeyaal ah oo uu Col. Barre Hiiraale ka mid ahaa ayaa dib loogu celiyay Kismaayo.

Degmada Kismaayo ayaa si weyn looga sugayay, cidamadan oo tan iyo markii sida awooda ah looga saaray Kismaayo ayaa saldhig ahaan deegaanka Goobweyn oo ku taalla dulleedka Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo tiradooda la sheegayo inay gaarayso illaa 100-askari oo hubeysan lagu wareejiyay ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland oo iyaguna qaar ka mid ah war-baahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamadan la dajiyay xero ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee kawada tirsan AMISOM ay isku khilaafka qaabka ciidankan lagu keenayo Magaalada Kismaayo, balse ugu dambeyn la isku af-gartay.

Imaanshaha ciidamadan ee Kismaayo ayaa la sheegayaa inay timid kaddib markii Al-shabaab ay ku wargelisay ciidamada Col. Barre Hiiraale ee Goob-joog fariisinka ku lahaa inay isku soo dhiibaan, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay siiyeen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerartay deegaanka Goob-weyn oo ay ciidamadan ku sugnaayeen, iyadoo labada dhinac ay soo kala gaareen khasaarooyin kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya