4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2016
Mareykanka oo sheegay inay tobaneeyo Al-shabaab ah ku dileen Duqeymo uu ka fuliyay Somalia


Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay tiro ka badan 12-dagaalyahan oo Al-shabaab ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka, Cap. Jeff Davis ayaa War-fidiyeenka ugu sheegay Washington in duqeyntan ay ahayd mid ay si gaar ah ugu bar-tilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-shaabaab oo khatar weyn ku ahaa Mareyknaka.

"Duqeyntan ka dhacday Somalia waxaan ku beegsannay xubno khatar ku ahaa jiritaanka Mareykanka. Waxayna duqeymahan socdeen muddo hal toddobaad ka badan," ayuu yiri Cap. Jeff Davis.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [Drones] ee Mareykanka ay bishii lasoo dhaafay duqeyn ay ka geysteen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd dulleedka Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay ku dileen in ka badan 150-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisran, inkastoo Al-shabaab ay tiradaas diiday.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa duqeymo is-daba-joog ah ka geysanayay gudaha Somalia Sannadihii u dambeeyay, kuwaas oo uu ku beegsanayay Saraakiisha sare ee Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyahii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya