4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2016
Shacabka Garissa oo loogu baaqay in ay dulqaad ka muujiyaan dhibaatada biyo la’aanta

Masawir muujinaya waddo ka mid ah waddooyinka Garissa


Arbaco, Abriil 13, 2016 (HOL)-Masuuliyiiinta dowlada degmada Garissa ayaa mar kale ka hadlay dhibaatada dhinaca biyaha ee ka jirta deegaanno ka tirsan degmadaas oo ay shacabka si weyn uga cabanayeen.

 

Gobernatooraha  Garissa Nadiif Jaamac ayaa dadka  magaalada Garissa ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta laga xalinaayo dhibaatada dhanka biyaha ah ee ka jirta magaalada Garissa taasi oo in badan soo laalaabatay saamayn adagna ku yeelatay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Garissa.

 

Mr Nadiif Jaamac ayaa xusay inay jiraan khaladaad   dhanka farsamada ah oo horseeday dhibaatada dhanka biyaha ah ee ka jirta magaalada in kastoo dadaallo loogu jiro sidii loo xalin lahaa mushkiladdaa.

 

Gobolka Soomaalidu ay dagto ee Kenya ee Waqooyi-bari ayaa in badan dadka kunool oo degmada Garissa ay ka mid tahay waxay tobanaan sano ka cabanayeen horumar yari sida la'aanta biyo nadiif ah oo la cabbo oo ku filan iyo jidadka oo xaaladoodu liidato.

 

Hase ahaatee, dhowr sano ka hor markii maamulka lagu baahiyahay degmooyinka oo dawlad hoosaadyo loo sameeyay degmooyinka, waxaa la filaayay in arimuhu soo hagaagi doonaan labo daraadle, dhinaca adeegyada ama khadamaadka walow wali dhalliilihii iyo cabashooyinkii arimahaa la xiriiray ay sii socdaan.

 

Maamulka lagu baahiyahay degmooyinka (devolution) ayaa weli aan si weyn loo ogaan wax tarkiisa hase ahaatee waqtiga ayaa ka marag kici doona wanaagiisa iyo xumaantiisa hadii la siiyo waqti oo loo korto waxa kasoo bixi doona!

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.