4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Sawirro: Masjidka Xaafada Kooshin ee Degmada Beledweyne oo Heer Gabo-gabo ah Maraya
Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL) — Waxaa heer gabo-gabo ah maraya dhismaha masaajidka, Dr. Xasan Macallin Gaab oo laga hergalinayo xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Guddiga masjidka ayaa sheegay in waqtigan loo xayiran yahay dhaqaale marka la eego shaqadii horay loo soo qabtay aad u yar, iyagoo ka dalbanaya guud ahaanba dadka muxsiniinta ah in ay ka qeyb-qaataan dhameysirka masjidka oo hadda jooga heer gabagabo ah.

Guddiga ayaa u mahad-celinaya dhammaan dadka gacanta ka geystay inuu heerkan soo gaaro dhismaha, gaar ahaan xaaska Dr Xassan Macalin Gaab oo gacan weyn ka geysatay socodsiinta howsha masaajidka, iyagoo dhinaca kalana ka dalbaday muslimiinta ah inay kaalmo ka geystaan sidii loo soo gabo-gabeyn lahaa masaajidka dhismihiisa.

Haddaba, haddii aad doonayso inaad gacan ka geysato dhismaha Masjidkan la xiriir Amaana Account – BWN -341626 42, ama la xiriir guddiga masjidka oo kala ah Xasan Ibraahim Xalane 25261-5580669, Axmed Yuusuf Aadan; 252-615-564249 ama Maxamed Macallin Cabdi Suldaan, 252-615-564075.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya