4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
SAWIRRO: Aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Talaado, Abriil 11, 2016 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka, saraakiil iyo xubno kale.

Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, Wasiirka Difaaca, C/qaadir Sh. Cali Diini, Taliyaha Xoogga Dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo weliba Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug.

Khudbad uu madaxweynaha Somalia ka jeediyay munaasabadda 12-ka Abriil ayaa ugu horreyn hambalyo u diray saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo dhan, isagoo ku boorriyay inay xoojiyaan shaqooyinka ay dadka iyo dalka Somalia ay u hayaan.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku xusay in waaliddiinta xoogaggii Al-shabaab ka tirsanaa ee lagu qabtay dagaalladii ka dhacay Puntland iyo Galmudug ay soo raadsadaan caruurtooda, wuxuuna ku boorriyay inay hor-tagaan in mar kale ay ilmahoodu ku biiraan Al-shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyaha Somalia ayaa xusay in dowladda Federaalka ay ku hawlan tahay diyaarinta nidaam cusub oo ay mushaaraadka ku qaadanayaan ciidanka qalabka sida, si aysan u dhicin musuqmaasuq iyo weliba wax is-daba marin.

Taliya Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa hambalyo u diray dhamaan Ciidanka Xoogga Dalka meel kasta oo ay Dunida ka joogaan, wuxuuna intaas raaciyay inay qorshaynayaan inay ciidamada isku dhafayaan si loo helo buu yiri ciidan Qaran oo looga kaaftoomo ciidamada AMISOM ee Somalia u jooga nabad-ilaalinta.

Wasiirka Difaaca Somalia, C/qaadir Sh. Cali Diini oo isagana Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyadiisa kaddib, wuxuu ka warbixiyay marxaladihii ciidanka xoogga Somalia ay soo mareen, isagoo hoosta ka xariiqay inay halkeeda ka sii wadaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweynayaasha Puntland, C/weli Gaas, Jubbaland, Axmed Madoobe, Koonfur-galbeed, Shariif Xasan iyo Galmudug C/kariin Xuseen oo iyaguna ka hadlay xuska ayaa hambalyo u diray dhamaan ciidamada qalabka sida ee Somalia, iyagoo xusay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeyo isku dhafka ciidamada xoogga dalka, si loo helo ciidamo Qaran oo wata sumadda Qaranka Soomaaliyeed, soona celiya Sumcaddii iyo Karaammadii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka.

Ugu dambeyn, Sannad walba ayaa Somalia oo dhan lagu qabtaan xuska 12-ka Abriil oo ah markii la aasaasay ciidamada xoogga dalka, waxaana markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka Somalia la aasaasay 12-kii bishii Abriil ee Sannadkii 1960-kii, markaasoo ahayd markii ay Soomaaliya ka Xorowday gumeystayaashii xukumayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya