4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Wasiirka Amniga Puntland oo Maanta sheegay in cid walba ay sharci ku joogi doonto Puntland


Talaado, Abriil 11, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qar-jab oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dadka jooga Puntland gabigood loo samayn doono sharci ay Puntland ku joogaan, ugana ganacsadaan.

Qar-jab ayaa intaas ku daray in shacabka Puntland kasoo gala bad, berri & cir ay maraan laamaha amniga ee qabilsan caddeynta qofku uusan danbi ka galin guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Puntland ay Mamnuucday Dadka ka imaanaya dhanka dalka Itoobiya ee ka sameeya Puntland ganacsiga loo yaqaanno bedel-bedel-ka, kaasoo ah in caagadaha ay Dadka xaafadaha ku nool kaga bedeshaan dharka dhamaadka ah ama isticmaalkooda laga bogtay.

Dhanka kale, Wasiirka Amaanka Puntland ayaa intaas ku daray Guryaha iyo Hoteellada aan laga kireyn karin dadka aan aqoonta loo lahayn , Wuxuuna ku daray hadalkiisa in Milkiilayaasha Guryaha & Hoteellada ay soo gudbiyaan cid walba oo ay kirada u geliyaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xirsi ayaa xusay in dhamaan gaadiidka Puntland isaga kala goosha loo sameeyay nidaamka socodeedka Amniga iyo dadka ay qaadayaan-ba.

Abaadir C/qaadir Cilmi
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya