4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Furay Wajigii Labaad ee Shirka Jowhar (SAWIRRO)

Talaado, Abriil 11, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], ayaa maanta si rasmi ah dib u furay wajigii labaad ee Shirka Jowhar, kaasoo maamul loogu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana bilihii u dambeeyay hakad ku jiray.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay ergooyin ka kala socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo Shirka maamul loogu dhisayo, inkastoo ay diideen in ay Shirkaan ka Qayb-galaan qaar ka mid ah duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Wasiir Odawaa ayaa ka dalbaday ergooyinka shirka Jowhar ka Qayb-galaya, inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga mira-dhaliyaan, isagoo intaas ku daray in qorshuhu yahay in muddo kooban gudaheed maamulka labadaan gobol lagu dhiso.

“Dowlada Federaalka Soomaalya waxaa ka go’an in maamulka labada gobol uu ahaado sidii hore uu madaxweyne Xasan uga soo saaray wareegto in caasimadda maamulka Gobolladan ay tahay Magaalada Buulo-Burte oo aan soo diyaarinay xaruntii uu maamulka la dhisayo ku shaqeyn lahaa.” ayuu yiri wasiirku ku yiri hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka labada gobol uu yahay mid doorasho ku imaan doona, isagoo xusay inaysan Dowladdu Soomaaliya wadan ruux gaar ah oo madaxweyne ka noqonaysa maamulka labada gobol.

Waxaa kaloo furitaanka shirka ka hadlay; Odayaal-dhaqameed ay ka mid ahaayeen; Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdllaahi, Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb, Ugaas Cabdixakiim Ugaas Maxaad iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Cali C/llaahi Guud-laawe iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa iyaguna ka hadlay madasha shirku uu ka furmay, iyagoo sharraxaad ka bixiyay Kulankaan iyo sida uu ku socon doono.
Dhanka kale, waxaa furitaanka shirka ka hadlay Wasiirrada Ammaanka Gudaha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheraadka badda, Wasiirka Shidaalka, Wasiir u dowladaha Maaliyadda iyo Wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeynn, tan iyo bartamihii bishii Jannaayo ee Sannadkaan 2016-ka, oo shirku uu si rasmi ah uga furmay Degmada Jowhar ayaa muddo kooban kaddib waxaa ku yimid Hakad, kaddib markii la isku Mari-waaay habka loo Qayb-sanayo ergooyinka beelaha Gobolladaas u metelaya soo xulista Golaha Wakiillada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya