4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Xuska Maalinta Aasaaska Ciidanka XDS ee 12-ka Abriil oo Beledweyne lagu Qabtay (SAWIRRO)

Talaado, Abriil 11, 2016 (HOL) — Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu xusayay maalinta ciidanka xooga Somalia oo lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa kasoo qayb-galay, mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan, Duubabka-dhaqanka, Saraakiisha ciidanka DF, kuwa AMISOM iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay taliska ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM, mas'uuliyiinta Dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan iyo marti-sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka gobolka Hiiraan, Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay inay 12-ka Abriil ay qiimo aad u weyn ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed, Maadaam ay tahay maalintii la aasaasay ciidamada difaaca dalka Soomaaliya.

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo isagana ka hadal ka jeediyay xuska ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeyay, inaysan sidii looga baaha u garab-istaagin ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale booliiska iyo kuwa nabad-sugida.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa duubabkii dhaqanka ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Raage, Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya