4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo u diray CXDS Hambalyo ku Aadan Xuska 12-ka Abriil


Talaado, Abriil 11, 2016 (HOL) — Safaaradda Somalia ee dalka Talyaaniga ayaa hambalyo ku aaddan xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidamada Xoogga Somalia, u dirtay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Danjiraha Somalia ee Taliyaaniga, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa warbixin uu maanta kasoo saaray xarunta safaaradda Somalia ee Roma, wuxuu ugu horreyn ugu hambalyeeyay ciidamada iyo saraakiisha xoogga dalka Somalia, dabaal-degga maalinta la aasaasay ciidanka xoogga dalka.

"Aaad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta inaggoo joognna Safaaradda Somalia ee dalka Talyaaniga la Qaybsanno faraxadda iyo dabaal-degga saraakiisha, saraakiil xigeennada, alif-leyda, dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidanka xoogga dalka Somalia. waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale anigoo ku hadlaya magaceyga iyo midka Hal-wadeennada Safaaradda waxaan Ammaan u jeedinayaa dadaalka iyo Horummarrada ay ciidanka xoogga Soomaaliya qaybahooda kala duwani ka sameeyeen hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab," ayuu yiri Danjire Muuse Xasan Cabdulle.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda Federaalka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka in ay il-gaar ah ku hayaan Qoysaska Askartii naftooda u huray Xorreynta Waddanka iyo La-dagaallanka kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa waxaa la aasaasay 12-kii Abriil, 1960-kii, iyagoo door firfircoon oo lama illaawaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka, badda, cirka iyo badbaadinta danaha iyo midnimada Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya