4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
AKHRISO: Bayaankii kasoo baxay shirkii Wada-tashiga Doorashooyinka 2016-ka ee Muqdisho

Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay shirkii madasha wada-tashiga doorashooyinka dalka ee Muqdisho ka socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo u dhexeeyay madaxda DFS iyo kuwa maamul-gobooleedyada dalka.

HADDABA, War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga Doorashooyinka ee Muqdisho lagu qabtay ayaa wuxuu u Qornaan sidan:

1. Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 12-ka bisha Abril 2016.

2. Kulanka, waxaa ka soo Qayb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke; Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan [A. Madoobe], Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed.

3. Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran, waxay soo Dhaweeyeen Heshiiska ay Dowladda Federaalka iyo Puntland wada gaareen 03-dii Abriil, 2016-ka, waxayna garowsadeen inuu waddada u xaarayo hirgelinta geeddi socodka doorashada sannadka 2016-ka iyo weliba isu diyaarinta loogu jiro doorasho dadweyne (qof iyo codkiisa) ee dhici doonta sannadka 2020.

4. Madasha hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin muddada xil haynta golaha shacabka & dowladda federaalka. Madashu waxay sidoo kale ugu yeertay qaybaha kala geddisan ee ay khusayso in ay hubiyaan u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashada 2016 muddada loo cayimay. Waxa kale oo ay ka codsadeen bulshada caalamka in ay ka caawiyaan fulinta hawshaas. Sidaa awgeed, Madasha Hoggaanka Qaran waxay isku raaceen hannaanka iyo qaab-dhismeedka soo socda:

Habka iyo Qaab-dhismeedka Doorashada:

A. Hannaanka doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si isku mid ah. Waxa la dhisi doona laba guddi doorasho oo kala ah: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dawlad Goboleed. Guddiyadu waxay ka kala imaan doonaan: Dawladda Federaalka Somalia, Maamullada Xubnaha ka ah iyo kuwa samaysmi doona.

B. Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaanayaa 17-xubnood, kuwaas oo ay 5 xubnood soo magacaabayso Dawladda Federaalka halka ay dawladaha xubnaha ka ah DFS ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 xubnood.

C. Guddiga Doorasho ee Heer Maamul-Goboleed midkiiba, wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood; siddeed ka mid ah waxaa soo magacaabaya dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; 3 xubnoodna waxaa soo magacaabaya Dawladda Federaalka.

D. Guddiga Doorasho Heer Qaran iyo Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed waxa loosoo dhisi doonaa sida ugu dhaqso badan, waxayna guda-geli doonaan dhamaan hawlaha Diyaar-garowga iyo fulinta Doorashooyinka. Hoggaanka Madasha Qaran ayaa labada guddi u sameyn doona habraacooda shaqo.

E. Madaxda Hoggaanka Qaran waxay dhisi doonaan Guddi xallinaya khilaafaadyo walba oo ka dhasha Doorashooyinka dhacaya sannadkan 2016-ka.

Geeddi-socodka:  Aqalka Sare:

F. Dhismaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka, wuxuu ka horrayn doonaa Doorashooyinka Aqalka Hoose.

G. 30% kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedyada iyo kuwa dhismaya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay haweenka tartamaya.

H. Golaha Fulinta ee Maamul-Goboleedyada Waxay kursi kasta u soo Magacaabayaan ugu yaraan labo murashax oo u tartamaya. baarlamaanada Maamul-goboleedyada ayaa u codayn doona kursi kasta gaarkiis.

I. Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan.

J. Codaynta xubnaha Aqalka Sare ee golaha shacabka waxaa si siman oo isku maalin ah uga dhacayaan Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

K. Madaxweynayaasha maamulada xubnaha ka ah Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka imaan doona Maamul-goboleeyadooda, kaddib marka Guddiyada doorasho ay u soo Gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.

Aqalka Hoose:

A. Liiska Oday Dhaqameedyada 135 ka ah ayaa saldhig u noqonaya hannaanka doorashada Aqalka Hoose. Liiska Oday Dhaqameedyada dib baa loo eegayaa. Madax Dhaqameedyada dhintay waa la beddeli doonaa kuwa muranku ka jirna waa la sixi doonaa.

B. Liiska kama dambaysta ah ee odayaasha dhaqanka (135) ee la isku raacay ayaa soo xuli doona ergada doorasho iyagoo la tashanaya Nabadoonnada ay khusayso ee beesha xubinta leh.

C. Murashax kasta oo u taagan Aqalka Hoose ah waxaa soo dooranaya ergo doorasho oo ka kooban 50 cod-bixiye. Wadarta ergada doorashada waxay noqonaysaa 275 x 50 = 13,750.

D. Xubnaha ergada doorasho waxaa laga soo xulayaa jilibyada beesha kursigu ka dhexeeyo, waxayna meteli doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah. Ergo kasta ee doorasho waa in ay ugu yaraan 30% noqdaan haween.

E. Cod-bixintu, waxay ka dhici doontaa magaalo-madaxyada ama Goobaha Fadhigga u ah maamul-goboleedyada hadda jira ama dhismaya iyo Muqdisho, iyadoo loo fiirinayo hadba sida juqraafi ahaan loo kala leeyahay kuraasta.

F. Maadaama ay Somaliland ka maqan tahay, ka qaybgalka hannaanka doorashada, xubnaha Aqalka Hoose ee matelaya Somaliland, waxaa lagu dooraan doonaa goobta ay isku raacaan madax dhaqameedyadii Somaliland ugu jira 135 ka.

G. Waxa la isku raacay in qaybinta 275 ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka lagu saleeyo beelaha/ deegaamada qaybta ka ahaa dhismihii dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo kuwa dhismi doona.

H. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha aqalka hoose ee golaha shacabka Qaranka ee ka imaanaya doonaa dawlad goboleeyadooda ka dib marka gudiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.

Goobaha doorashada iyo arrimo kale:

A. Doorashada iyo hanaankeeduba waxay ka dhici doonaan magaalo madaxyada dawladaha xubnaha Dawladda Federaalka ama xarumahooda ku meel gaarka ah.

B. Hannaanka Doorashada ee 2016-ka iyo Qaabka loo fulinayaba waxaa la hor-geyn doonaa Golaha Shacabka ee Federaalka si ay u ansixiyaan.

Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay kaloo go’aansadeen:

1. In Magaalada Garoowe lagu qabto shirka Dastuurka Qaranka inta u dhaxaysa 25 May ilaa 05-ta Juun, 2016-ka. Waxaa qabashada shirka dastuurka qaranka ka horrayn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha Qaran oo lagaga doodi doono, loogana heshiin doono arrimaha siyaasadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar-galiyo dib u eegista dastuurka.

2. Dawladda Federaalku Soomaaliya, waxay la wadaagtay madaxda dawlad Goboleedyada Siyaasadda Ammaanka Qaranka, waxayna soo dhawaysay in kulamo wadatashi ka dhacaan gobollada dalka si loo hormariyo hirgelinta siyasaddaas.

3. Madashu waxay mahad-celin u jeedisay Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha kuwaas oo mar walba Taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan hannaanka doorashada.

4. Madashu waxay dareen xoog leh ka muujisay hab-dhaqanka iyo ficilada SEMG (Somalia Eritrea Monitoring Group); gaar ahaan siday u beegsanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, una hor is-taagayaan Geeddi-socodka hannaanka dhismaha dawladeed ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya