4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2016
Nairobi: Kulan Lagu Taageerayay Murashaxa Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Lagu Qabtay Eastleigh

Qaar ka mid ah marti sharaftii kasoo qeybgashay kulankaa

Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL)-Kulan lagu taageerayay murashaxa xilka madaxweynenimada ee doorashada la filaayo in sanadkaan 2016 ay ka qabsoonto Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed,horayna u ahaa Wasiirkii Hore ee Qorsheynta ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay xaafada Eastleigh ee ay Soomaalidu u badan tahay ee Nairobi, Kenya.

Shirkaan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka beel ka mid ah beelaha daga maamul goboleedka Galmudug gaar ahaan degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuuso-mareeb.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah dhaqanka deegaanada Galmudug  gaar ahaan degmooyinka  Guri-ceel iyo Dhuuso-mareeb, aqoonyahano, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo siyaasiyiin iyo weliba qeybo kale oo bulshada ah oo kasoo jeedaa deegaanadaa.

Sida ay sheegeen marti sharaftii kasoo qeybgashay kulankaa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kasokow inuu ahaa Wasiirkii Hore ee Qorsheynta ee Soomaaliya ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo loo arkay inuu u qalmo inuu qabto xilka madaxweynenimada gaar ahaan marka loo eego aqoontiisa iyo tayadiisa ayaa wuxuu xilal kale oo muhiim ah kasoo qabtay dawladihii is xigxigay ee soo maray Soomaaliya.  

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa leh aqoon gaarsiisan ilaa heer jaamacadeed asagoo wax kusoo bartay gudaha iyo dibada dalka isla markaana sidoo kale dhanka diinta Islaamka ku xeel dheer.

Kulankaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay ajendeyaasha horumarinada uu Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur damacsan yahay isla markaana uu ku dhiirran yahay inuu dalka u qabto hadii loo doorto xilka madaxweynenimo doorashada guud ee la filayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan aan kujirno ee 2016-ka.

Qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee shirkaasi kasoo qeyb galay ayaa ugu dambayntii ugu baaqay  ummada Soomaaliyeed in murashaxa xilka madaxweynenimada, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur midnimo lagu taageero.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.