4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2016
Nairobi: Iskoolada Sida Gaarka ah Loo Leeyahay oo Sare u Qaada Waxbarashada Kenya

Maamulaha guud ee iskoolada Rabbani Group of Schools, Sheekh Cabdiraxmaan Caddaani
Qaar ka mid ah macalimiinta iskoola Mansoor Academy, oo ah mid ka mid ah iskoolada Rabbani Group of Schools xilli ay imtixaan saxayeen
Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL)-Dhowr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyay, waxaa dalka Kenya kusoo kordhaayay iskoolaadka sida gaarka ah loo leeyahay oo qaab casri ah waxbarashada ardayda kusoo kordhiyay.

Rabbani Group of Schools waxay kujiraan iskoolada sida gaarka ah loo leeyahay isla markaana waxbarashada waxyaabo badan oo horumar ah kusoo kordhiyay dalkan Kenya. Maamulaha guud ee iskoolada Rabbani Group of Schools, Sheekh Cabdiraxmaan Caddaani ayaa sheegay in  22kii sano ee lasoo dhaafay ay qiyaas ahaan soo wadeen iskooladaa.

“22 sano ayaan qiyaas ahaan soo wadnay iskoolada”. Sheekh Cabdiraxmaan Caddaani ayaa sidaa yiri.

Si kastaba ha ahaatee,  qaab wanaagsan oo waxbarasho oo diini iyo maadiba leh ayay iskoolada Rabbani Group of Schools caan ku yihiin oo ay ku dhaafeen iskoolo badan oo kale oo si gaar ah iyana loo leeyahay.

Wuxuu Sheekh Cabdiraxmaan Caddaani sheegay in qaabka isku dhafka ah ee iskoolada iyo madrasooyinka laisku daraayo ay soo bilaabeen ayagu sanadkii 2000 iyo wixii ka dambeeyay.

Rabbani Group of Schools waa 6 iskool; 4 dugsiyo hoose ah iyo labo dugsiyo sare ah. “Iskoolkan hada ugu weyn oo ka mid ah waxaa lagu magacaabaa Mansoor Academy. Carruur Soomaaliyeed ayaa aad u dhigta. Gabdhaha iyo wiilasha aan wax barno ardayda oo dhan waa kudhawaad 3500. Alxamdullilaah dadku iskoolada wey yimaadaan waayo anagu waxaan siinaa dhinicii maadiga iyo dhiniicii diiniga. Intaba carruurta waa ka dhisnaa. Aroortii 6:30 Quraanka ayaan ku bilownaa”. Ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Caddaani. 

Iskooladaa ayaa Mansoor kasokow kuwa kale ee ka midka ah waxaa  kujira  Rayan Academy, Rabbani Academy,  Rabbani High School iyo Ashrafiya High School iyo weliba Rabbani Education Centre. 99% waxaa dhigata Soomaali sida uu Sheekh Caddaani warbaahinta usheegay.

'Waa arin Rabbi uu fududeeyay; masuuliyada aan heyno iyo dadka aan shaqo galinay, runtii waxaan dhihi karaa xataa waxaan yareynay shaqo la’aantii waayo iskuulada waxaa dhiga, shaqaalaha iyo macalimiinta kulli marka laisku daro 300 wey ku dhow yihiin; oo Kenyan ah ayaan shaqo galinay oo mushaaro qaata oo hadana bixiya canshuurtii lagu lahaa’. Sheekh Caddaani ayaa sidaa yiri.

“Anagu waxaan un ku dadaalnaa sidii carruurta Soomaaliyeed wax u baran lahaayeen; inaysan dariiqa kusoo dhicin; inaysan iskoolada ka cararin oo aysan waxbarashadii istaajin”. Sheekh Caddaani ayaa yiri asagoo intaa kudaray in heerkaa wanaagsan iskooladoodu kugaareen wadashaqeyn ka dhexeysa maamulka iyo waalidiinta iyo weliba macalimiinta iyo guud ahaanba shqaalaha iskooladaa.

Rabbani Group of Schools waxay ka diiwaan gashan yihiin Wasaarada Waxbarashada ee Kenya iyo KNECK oo ah laanta imtixaanaadka Kenya.

“Sidoo kale anagu waxaan ka tirsan nahay urur lagu magacaabo Kenya Private Schools Association -KEPSA”. Sheekh Caddaani ayaa sidaa yiri. “Shirarkoodaan ka qeyb galnaa; wixii seminaaro oo kale ah macalimiinta ayaan u dirnaa oo kasoo qeyb gala”.

 Sida uu sheegay Sheekh Caddaani, 700 oo ka mid ah ardayda si lacag la’aan ah ayay iskooladaas wax uga bartaan. Waxaa kujira agoonta, carruurta waalidiintood ay saboolka yihiin iyo carruurta qoysaska ballaaraan qaarkood.  “Matalan hadii waalid keeno afar ama shan carruur ah mid baa loo dhaafaa”.  Sheekh Caddaani ayaa sidaa yiri.

Intaa waxaa dheer in iskooladaa, wiilsha iyo gabdhuhu meelo kala duwan ay wax ku bartaan si akhlaaqda loo dhowro iyo anshaxa wanaagsan.

‘Wiilashii iyo gabdhihii baan kala saarnay markaan aragnay inay yara fiican tahay dhinaca akhlaaqda. Xataa gabdhuhu markay kaligood yihiin ayay tartami karaan. Marka waxaad garan kartaa dadaalka iyo horumarka aan bulshada kusoo siyaadinay. Anaga ujeedadeena ugu weyn waxaa weeye inaan bulshada kusoo darno arday wanaagsan oo waxbartay, akhlaaq wanaagsan, si fiican u gudbay imtixaanka..meel kastoo la geeyana dadkii kula dhaqmaya akhlaaq wanaagsan iyo tarbiyo wanaagsan’. Ayuu yiri Sheekh Caddaani.

‘Arday aan iskuulkii ka harin oo dhammeeyay oo lagu farxo; waalidkii uu ku farxo; ummadii Soomaaliyeed guud ahaan; dadkii oo dhan; insaankii oo dhan ay ku farxaan baan doonaynaa ujeedadanaduna tahay inaan soo saarno’. Intaa ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa Sheekh Caddani uu ummada u tilmaamay in waxbarashadu muhiim tahay isla markaana uu ugu baaqay inay carruurtooda wax baraan.

“Ummada waxaan ugu baaqayaa; waxaan oran lahaa Soomaaliyey waxbarashadu shey muhiim ah weeye. Ma siman yihiin qofka  wax bartay iyo kuwa aanan waxba baran? Waxaan dhihi lahaa marka carruurta halagu mashquuliyo inay waxbartaan. Iskoolada ha la geeyo.  Ilmuhu hadii ay wax kuu bartaan adigaa kuliibaanaya, tarbiyadoodii baa hagaageysa; maskaxdoodii baa koreysa. Laakiin hadii ay bannaankaa istaagaan oo ay iskuulka diidaan waxay noqonayaan dhibka na heysta ee hada ugu badan ee aan ka cabano waa carruurta iskuulada ka haray ama madaarista ka haray. Awlaadaadu waa inay wax ku mashquulsan yihiin”. Sheekh Caddaani ayaa sidaa yiri.

“Waxbarashadu diini ha ahaato ama maadi ha ahaato, waxaan dhihi lahaa waxbarashada hala qaabilo; cilmigu waa wanaagsan yahay; Islaamku wuu ammaanay; darajaad baa lagu helaa; marka waxaan dhihi lahaa arimahaas oo dhan halagu dadaalo; iskuulada haloo kaco oo hala aado; ardaydii wax hala baro”. Sheekh Caddaani ayaa intaa raaciyay.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.