4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2016
Dib ugu celinta qaxootiga kusugan Giriiga dalka Turkiga oo bilaabatay

Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL)-Waxaa si rasmi ah loo bilaabay hawlaha kusaabsan dib u celinta dadka qaxootiga ah ee ku sugan wadanka Giriiga, kuwaasoo in muddo ah ku xanibnaa wadankaas.

 

Doomo dhowr ah oo qaxootigaasi ay saaran yihiin ayaa kasoo shiraacday xeebaha Giriiga iyagoo dib ugu laabanaya wadanka Turkiga oo ay markii hore  kasoo gudbeen.

 

Ciidamada booliska ee ku sugan jaziirada Lesbos ee dalka Giriiga ayaa billaabay in ay dadka saaraan doomaha u socda dalka Turkiga.

 

Wadamada ku jira midowga Yurub ayaa dhaqaale fara badan ku siinaya xukuumadda Ankara in ay wax ka qabato qulqulka qaxootiga usii hayaamaya dhinaca Yurub kuwaasoo marinkoodu yahay dalka Turkiga oo ay uga sii gudbaan dhinaca Giriiga dabadeenda qeybo kale oo ah Yurub.

 

Hase ahaatee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u cambaareeyay heshiis ay dhawaan kala  saxiixdeen Turkiga iyo midowga Yurub oo dhigaya in muhaajiriinta dib loogu safriyo badda loo yaqaanno Aegean Sea ee u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Giriiga, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xuquuqda qaxootiga magangalyo doonka ah.

 

Dadka qaxootiga ah qudhooda ayaa mudaharaadyo ay arrintaan uga soo hor jeedaan ka sameeyay gudaha dalka Giriiga, iyagoo cabasho xoog lehna muujinaya.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.