4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2016
Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta ka socota Magaalada Muqdisho


Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu xusyo maalinta ciidanka xoogga dalka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka inta badan ay xiran yihiin, loona diiday inay sticmaalaan gaadiidka iyo dadka.

Sanad walbq 12-ka Bisha Abriil ayaa laga xusaa Somalia Maalinta Ciidamada xoogga Dalka, iyadoo tan iyo shalay laga dareemayay Muqdisho isku diyaarinta xuskan.

Waddooyinka xiran ayaa saameyn ku yeeshay isu isku socodka dadweynaha, waxaana fasaxan qaar ka mid ah iskuullada Muqdisho, inkastoo kuwa kale ay furan yihiin, balse ay ardaydu tegi waayeen.

Sidoo kale, Millateriga Somali ayaa la filayaa inay dhoolatus iyo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaan xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.

Munaasabada ayaa waxay ka socotaa Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, halkaasoo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamulada dalka ay kaga qayb-galayaan xuska, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa kale ayaa ka qeyb geli doona.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya