4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
MADAXWEYNE XASAN: Xildhibaannada dadaal dheeri ah inay Muujiyaan ayaan uga Fadhinnaa

Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta furay Kal-fadhigii 8-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay la yimaadaan dadaal dheeri ah inta uu socdo kal-fadhigan Siddeedaad.

Xasan Sheekh, ayaa ugu hambalyeeyay guddoonka Baarlamaanka FS iyo Xildhibaanadaba, hawlihii Wanaagsanaa ee ay qabteen muddada Afarta sanno ku dhaw ee Baarlamaankan uu shaqeynayay.

“Waxaa sannadkan na horyaalla hawlo badan oo ay Doorashadu ay ka mid tahay. Waxaana horay iskula garannay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof  iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinnay oo ah doorasho dadban ah. Baarlamaanka ayaan hor-keeni doonnaa nidaamkaas si sharci looga dhigo. Mabda’a aan ku Shaqeyneynno wuxuu ku saleysan yahay inaan qabano intii Awooddeena ah, isla markaana aan sharciyad u sameyno waxaan qabanayno inagoo wadajirna oo is-ogol,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Somalia ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto - Haddii la joogteeyo Hannaanka wax isla oggolaanshaha ee haatan golayaasha Qaranka ay ku shaqeynayaan.

“Waxaan ku gudo-jirnaa; sidaad la socotaan hannaanka dhismaha Dowladnimada Somalia, burburkii nagu dhacay kaddib. Waxaan Baarlamaanka Somalia ka Codsanayaa in ay Waqti badan, juhdi badan iyo dul-qaadba geliyaan hawlaha horyaala inta uu kal-fadhigan 8-aad ee xasaasiga ah socdo. Dhawaan waxaa la idin hor-keeni doonaa natiijada Kulammada Haatan Muqdisho inooga socda ee ku saabsan Doorashooyinka kasoo baxa. Waajibaadkiinna inaad ka gudataan ayaan idin kaga fadhinaa, idinkoo weliba eegaya duruufaha adag & Marxalada aan mareyno. Wixii aad u aragtaan inay saxan yihiin inaad nagu waafaqi doontaan ayaanan filayaa, Waxaad aad u aragtaan inaan dib u wada saxnana diyaar baan idin la nahay,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Baarlamankan sagaalaad ee Somalia uu yahay midkii ugu Wanaagsanaa - marka loo eego Baarlamaannadii Waddanka soo maray intii lagu guda jiray hannaanka dib u dhiska Qaranimada Soomaaliya ee soo billowday Sannadkii 2000.

Dhanka kale, Madaxweynaha ka hor waxaa isna kulanka khudbad ku saabsan waxqabadkii Baarlamaanka Somalia iyo hawlaha hor-yaalla ka jeediyay - Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari, ayaa si qoto-dheer uga hadlay Qorshaha doorashada Sannadkan 2016-ka Dalka ka dhici doonta, dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga iyo xoojinta adeegyada garsoorka waddanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in Baarlamaanka Somalia uu xil iska saari doono hawlaha adag ee horyaalla, kuwaasoo uu sheegay inay u yihiin muhiim mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ee hadda shaqeynaya ayay u harsan tahay muddo afar bilood ah, iyadoo markaas kaddibna la filayo in baarlamaan cusub uu bedelo baarlamaankan, kaasoo hawlaha sharci-dajinta dalka halkaas kasii wadi doona.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya