4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
WARBIXIN: Shirka dib-u-hishiisiinta ee ka socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Shirweynaha dib-u-hishiisiinta ah ee ka socda Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo galay maalintii Sagaalaad, ayaa u muuqda mid illaa hadda ku Tallaabsanaya guulo wax ku ool ah, iyadoo marba marka ka dambeysa ay ku soo biirayaan beelo Soomaaliyeed oo ku faraxsan in 26-sano kadib la qabto shir ujeedkiisu tahay is cafin iyo dib-u-hishiisiin.

Wajigii sagaalaad ee shirweynaha maanta ayaa lagu soo dhaweeyay odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda mid ka mid ah beelihii taageeray shirka Jowhar ee dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse odayaashan ayaa u sheegay ergada in ay si buuxda wixii hadda ka danbeeya u taageersan yihiin shirka dib-u-hishiisiinta ee ka soconaya magaalada Beledweyne.

Nabaddoon Barre Xusseen Ibraahim oo ka mid ah odayaasha beesha shirka ku soo biirtay, ayaa sheegay in kulamo kala duwan oo ay qaateen kaddib isku af-garteen in ay si toos ah ugu biiraan gogosha dib-u-hishiisiinta oo sida uu hadalka u dhigay ah gogol mudan in la taageero.

Qaar ka mid ah odayaashan oo la hadlay HOL ayaa sheegay in habka dowladda federaalka u maamushay dhismaha maamulka labada gobol la aqbali karin, sidaa awgeed isla garteen in ay qeybtooda ka qaataan dib-u-hishiisiinta uu ku baaqay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Horay, Waxaa shirkan ugu soo biiray Ugaasyo, odayaal iyo Waxgarad uu horkacayo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo ka dalbaday madaxweyne, Xassan Sheekh Max'uud in shirka Jowhar loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiinta sidoo kale qaybta ka ah shirweynaha ayaa ka mid ah; Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shir-gudoonka shirka dib-u-hishiisiinta oo ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ugu baaqay bulshada ku wadda dhaqan gobolka Hiiraan in ay ka shaqeeyaan nabada.

Ugaaska ayaa si gaar ah ugu boorriyay ka Qayb-galayaasha shirweynaha mudada uu socdo ilaalinta Cadaaladda, dhax-dhaxaadnimada iyo in meesha laga saaro Hadallada wax sii kala fogeynaya, si loo gaaro dib-u-hishiisiin dhab ah.

Dhanka kale, Afhayeenka shirka Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa sheegay in ku dhawaaqay in shirka lagu soo dhaweynayo cid kasta oo Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrimaha dib-u-hishiisiinta, iyadoo aan loo eegin qabiilka iyo beesha uu ka soo jeeddo.

Ugu dambeyntii, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin shirka ka socda Beledweyne, Waxaana taas beddelkeeda mas'uuliyiinta dowladda ay ku Mashquulsan yihiin qabashada shirka Jowhar ee dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo  Shabeellada Dhexe oo aan illaa iyo hadda lagu guuleysan in loo gudda-gallo Wajigiisa labaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya