4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
SAWIRRO: Siilaanyo casho u sameeyay Wafdigii UK ee Booqday Deegaanadii Abaartu Saameysay

Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Wafdigii ay Hoggaaminaysay Xildhibaanka Britain, Dian Abbott, Isla markaana ah - Afhayeenka Arrimaha Horumarinta ee Xisbiga Shaqaalaha UK iyo 6-hay’adood oo islaami ah, ayaa kormeeray deegaannada abaartu saamaysay, iyagoo si gaar ah u booqday Gobolka Awdal oo ay ugu darnayd abaartu.

Wafdigan xildhibaannada waxa la socday Dr: Hany El Banna oo gudoomiye  ah hay’adaha islaamka ee Britain, Muslim Charities Forum, madaxa ururka is-kaashiga islaamka ee OIC, Charity Right, Islamic Relief World Wide, Human Appeal,  Muslim Hands, African Relief Fun.

Weftigan wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka Warbixiyay dhibaatadda Abaartu inta gaadhsiisan tahay, waxaanay u kala baxeen laba dhinac oo kala ah Deegaanka Qol u jeed oo ay joogeen dad reer Miyi ah oo xoolihii ka soo dhamaadeen oo lagu ururiyey iyo deegaanka Gaarisa oo iyana lagu ururiyey dadkii ay soo baro kiciyeen.

Xildhibaannad Diana Abbott iyo Guddoomiyaha Daladda Garaarka Islaamka ayaa Ballan-qaadey inay Caalamka iyo Dalka UK-ba gaadhsiin doona sidii dadkaasi loo soo kaalmeyn lahaa, isla markaana xoolihii ka dhammaaday dib loogu soo celin lahaa si noloshoodda ula jaan qaadaan.

Madaxa ururka Is-kaashiga islaamka OIC  ee Somaliland iyo Soomaaliya , Maxamed Iidle Samriye, ayaa isagana sheegay inay dadaal badan galinayaan sidii dadkani dhibaatada uga bixin lahaayeen, sidiii noloshoodiii hore ee Beeralayda iyo xoolaha ugu noqon lahaayeen, isagoo ballan-qaaday inay fariintoodda gaadhsiin doonaan hay’adaha islaamka iyo dalalka islaamkaba.

Sidoo kale, Hay’adahan ayaa caalamka gaarsiinaya in gabi ahaan Somalia deegaanadeeda ay abaartu ka jirto wada-gaari doonaan, isla markaana in deg-deg loogu soo gurmado.

Wafdigaan, ayaa markii uu Hargeysa kusoo noqday waxaa Casho-sharaf ku Maamuusayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo uga mahad-naqay Taageeradda ay u muujiyeen Shacabka tabaalaysan ee abaartu saameeyeen, isagoo ugu baaqay inay deg-deg wixiii ay u tari karaan u taraan dadkaasi.

Madaxwayne Siilaanyo oo ay fadhigaan ku Wahelinayeen - Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Ganacsiga, Warfaafinta iyo Maaliyada, Marwada Madaxwaynaha, Xubno ka tirsan guddida abaaraha iyo masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada, iyadoo dhinaca UK ay wehelinayeen xubno tiro badan oo ay ka mid yihiin Mudane Dian Abbott iyo gudoomiyaha daladda ururada islaamka  Dr.Hani Al Bana.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadalka furay, ayaa Hadallo kooban oo soo dhawayn ah kaddib, wuxuu yiri. “Waxaa farxad ii ah inaan idinku soo dhaweeyo Somaliland, iyadoo labadeena dal ay ka dhaxayso cilaaqaad soo jireen ah, ku soo dhawaada dalka, waxanan rajaynayaa in aad wax nagal qabataan dhibaatooyinka nala soo darsay ee ay ugu horreyso abaartu.”

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Sacad Cali Shire oo isagna halkaasi ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan u baahanahay caawimo, taasoo ah mid Waqtiga fog wax ka tarta Dhibaatada dhinaca cuntada ka haysata bulshada. Waxaanan u baahanahay dib u xoolayn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u kaydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda, biyaha dhulka hoostiisa ku jirtana loo soo saari lahaa.”

Xildhibaanad, Dian Abbott oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa sheegtay in aanay ahayn markii ugu dambeysay ee ay dalka booqasho ku timaado, Waxayna raacisay sidii maalintii koowaad ee ay booqashada ku timid Somaliland, amaan ay u jeedisay dowladda iyo Dadka Somaliland, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa. “Waxaan Somaliland imid 2010-kii, Runtii Qalbigayga qaali ayay ku tahay, Waxaanan kasoo baxay Bariga Magaalada London oo ay Somalilanders badani ka mid ahaayeen dadkii ii doortay baarlamaanka.”

Waxayna intaas intaas ku dartay oo ay tidhi “Somaliland waa dal qani ah waxaad leedihiin ummad sidaan dibadaha ku arkay bulsho fir-fircoon ah oo shaqaysata oo ku nool Dacallada Caalamka oo bulshadooda wax kusoo tara, wax badanna ka-qaban-kara sidii uu u horumari lahaa cagihiisana uu isugu taagi lahaa Dalkiina.”

Mar ay ka hadlaysay abaarta ay indhaheedda kusoo aragtay & sida u gaarsiinayso madaxda dalkeeda, waxay tiri. “inaan Baarlamaanka Britain cod-dheer ugu sheego siday dhab ahaan wax uga qaban lahaayeen abaarta dalkan ka jirta wakhti xaadirkan, waxna ka tari lahaayeen abaarta soo noqnoqata ee dalka dhacda”.

Dr.Hani Bana oo ahaa Guddoomiyaha ururrada Samo-falka Islaamiga ah ee UK ayaa isna u Mahad-naqay soo dhoweynta loo sameeyey, waxaanu balanqaaday inuu ururadda islaamka gaadhsiin doono in dadkaas wax la taro, wuxuuna yiri. “Mudane Madaxwayne, Somaliland waxay tusaale wanaagsan u tahay gobolkan ay ku taallo. Waan aragnay inay dhibaato wayn gaadhay dalkiina oo  abaartu keentay oo dhinacyadii dhaqaalihiinnu ku tiirsanaa Xoolo iyo Beeraha ahaa ay  naafoobeen, waxanu ku dadaali doonaa inaanu gaadhsiino ururada Samo-falka iyo dawlada Ingiriiiskaba, sida ay sheegtay Miss.Diane Abbott, dalkii aanu ka nimid ee Ingiriiska si ay u suurto gasho  in wax la idinka taro  cimilada isbedelshay ee abaaraha iyo daadadka keentay, lana qodo ceelal iyo balliyo Waa-wayn, Anigoo ku talinaya  in aad kaashataan qurbo joogiina hawl karka ah ee dibadaha ku nool”.

Gaba-gabadii madaxweynuhu wuxu Guddoonsiiyey Hadiyado oo ugu Tallo-galay xubnihii weftiga la socday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Hiddaha iyo Dhaqanka ah iyo astaamaha qaranka ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland