4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
Madaxweynaha Somalia oo Maanta si Rasmi ah u Furay Kal-faadhigii 8-aad ee Baarlamaanka FS


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigii Sideedaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kal-fadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamaanka uu yeelanayo tan iyo intii uu jiray.

Guddoomiyaha Baarlmaaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka jeediyay khudbad kulanka intii aanu furin madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay hawlahooda dar-dar-geliyaan, si hawlaha horyaalla ay u soo gaba-gabeeyaan.

Prof. Jawaari ayaa sheegay inay jiraan Cabashooyin kaga imaanaya Shacabka oo uu xusay inay yihiin kuwo ay kaga cabanayaan Maxkamadaha, Wuxuuna si aad ah ugu baaqay inay tahay wax laga qabto cabashada ka imaanaysa shacabka.

Sidoo kale, Afhayeenka Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in kal-fadhigan uu yahay kii ugu adkaa ee baarlamaanka, loona baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo doorashada Sannadkaan dalka ka dhacaysa, taasoo Dastuurku uu dhigayo inay noqoto mid Qof iyo Cod ah.

“Mar haddii marxaladda dalka ka taagan awgeed aanay saamixi karin in la qabto Doorasho Qof iyo Cod ah, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam suuro-gelin kara inay Dalka ka dhacdo doorasho,” ayuu yiri Jawaari, isagoo intaas ku daray.. “Waddada keliya ee dalka looga hir-gelin karo doorasho, waa in dastuurka lagu sameeyo wax ka bedel, lana helo hab-raac muujinaya in dalka ay ka dhacdo doorasho aan ahayn tii horay la isugu raacay ee Qof iyo Cod ahayd, taasoo uu hadda dastuurkeennu dhigayo.”

Guddoomiye Jawaari oo sii hadlayay ayaa wuxuu ka dalbaday Xukuumadda Somalia inay baarlamaanka Somalia horkeento qorshaha dalka ay uga dhici karto doorasho aan ahay tii hore ee Qofka iyo Codka ahayd.

Sidoo kale, Jawaari ayaa ku boorriyay xildhibaannada baarlaamaanka Somalia in ay tahay inay go’aan mideysan ka qaataan hidisayaasha horyaalla baarlamaanka Soomaaliya, inta uu socdo kal-fadhigaan, wuxuuna xusay in kuwii ay ka gaari waayaan ay u sameeyaan Hab ay ugu gudbin karaan baarlamaanka soo socda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal qaatay isagoo jeediyay hadallo aad u kooban, wuxuuna Xildhibaannada baarlamaanka Somalia u sheegay in go’aannada kasoo baxa madasha looga hadlayo doorashada ee socda dib loogu soo celin doono xildhibaannada baarlamaanka Somalia si ay uga gaaraan go’aan.

“Shirarka ku saabsan doorashada ee xilligaan u socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada, go’aanada kasoo baxa dib ayaa la idin kugu soo celinayaa, si wixii aan loo baahnayn aad uga saaraan, wixii ku daris u baahanna aad ugu daraan, markaa kadib ayaana looga xaajoon doonaa, iyadoo go’aan la isla wada-ogol yahay aan ka gaari doono,” ayuu ku daray hadalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Kal-fadhiga 8-aad ee Baarlamaanka oo uu madaxweynuhu furay ayaa ah kii ugu dambeeyay oo baarlamaankan hadda jira uu yeelanayo, waxaana Baarlamaankan FS ee hadda shaqeynaya la dhaariyay 28-kii bishii August sannadkii 2012-kii xilli Habeenimo ah, iyadoo muddo hawleedkiisana ay ku eg-yahay daba-yaaqada Sannadkan lagu jiro 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya