4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
QARAX Khasaare Nafeed Sababay oo ka Dhacay Agagaarka Xarunta Dowladda Hoose - Muqdisho


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, Todoba kalena way ku dhaawacmeen Qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar-weyne, halkaasoo uu Maamulka gobolku ku shaqeeyo.

Qaraxan oo Mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa ka dhacay maqaayad dhabarka dambe ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ku taalla oo lagu magacaabo Al-Hindi oo ay dad badan ku sugnaayeen xilligaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo ka hadlay Qaraxaan ayaa sheegay in lala beegsaday dad shacaba ah oo Maqaayad ka cunteynayay, ayna halkaas ku dhinteen shan qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale.

"Al-shabaab ayaa ka dambeysay Qaraxa, waxayna la beegsadeen dad shacab ah oo aan wax ay galabsadeen aysan jirin... Maqaayad ayaa lala beegsaday Qaraxa, waxaana ku dhintay 5-qof oo shacab ah," ayuu yiri Xalane.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Al-shabaab ay caadeysatay inay dadweyaha qaraxyo ula beegsato si bareer ah, kaddib markii laga hor-joogsaday inay xarumaha dowladda ay la beegsato Qaraxyo iyo falal kale oo Amni-darro ah.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Qaraxaan iyadu ka dambeysay ayna saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia ku bartilmaameesatay, inkastoo aysan sheegin Mas'uuliyiin ay ku dileen qaraxan ismiidaaminta ahaa.

Ugu dambeyn, Qaraxaan ayaa loo adeegsaday gaari waxyabaaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo lagu soo beegay xilli sakaay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ku toogatay Muqdisho Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo loo haystay inuu fuliyay dilal loo geystay Wariyeyaal Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya