4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
SOMALILAND: Xisbiga Kulmiye oo iska fogeeyay eedo uga yimid Xisbiga UCID ee Mucaaradka ah


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye , ayaa wax lala yaabo ku tilmaamo eeddo loo soo jeediyey gudoomiyaha xisbigaasi oo la sheegay inuu ka dambeeyo khilaafka ka jira xisbiga UCID.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay inaanu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu marnaba wax shaqo ah ku lahayn xisbiga UCID oo ah xisbi qaran oo qadarin iyo ixtiraam ka mudan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbigaasi inay xallistaan khilaafkooda oo aanay cid kale kula galgalan.

“Xisbiga UCID waa xisbi Qaran oo leh xeerarkiisa iyo qaab-dhismeedkiisa, waa xisbi qaran oo da' weyn, ixtiraamna naga mudan haddaanu nahay xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, meel uu xisbiga UCID kasoo galanna ma ogin, hawlna tiisaa ka badan,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Xisbiga UCID waxay isku haystaan ha dhamaystaan dhexdooda, tartan aan xasarad lahayna ha u soo diyaargaroobo, aflagaadadu uma wanaagsana qof doonaya inuu ummad hoggaamiyo, xilligii hanjabaadanna waa laga soo gudbay, ciddii wax kala tirsanaysa waxay ku qurux badan tahay inay ku kala baxaan hannaanka sharciga.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay buug la sheegay inuu yahay waxqabadka xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey lagu faafinayey baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxaannu yidhi, “Beryahan waxa baraha bulshada qaarkood lagu arkayey buug tilmaamayey waxqabadka xukuumadda oo galkiisa sare uu ku yaalo sawirka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, buugga waxqabadka waxa soo saaristiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyahayna ma jirto, waxaana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo adeegayaashiisa u qaabilsan fulinta hawlaha guud.”

“Intaanu ka ognahay waa buug daabacaadiisa ay samaystay cid dano gaar ahi ka lehi,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Masuuliyiinta xisbiga ucid qaar ka mid ah ayaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inuu ka dambeeyo khilaafka xisbiga UCID, isla markaana uu doonayo musharax oo dhabarka soo taabto ka soo dhex baxo xisbigaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland