4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2016
Sacuudiga iyo Masar oo Heshiis ka Gaaray Dhisida Buundo Isku Xiri Doonta Afrika iyo Asia

Boqor Salmaan-ka Sacuudiga (bidix) iyo el-Sisi, madaxweynaha Masar


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL)-Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz-ka Sucuudiga ayaa sheegay inay heshiis wada gaareen wadanka Masar iyo Sacuudiga kaasoo ku saabsan dhisida buundo kormarta Badda Cas oo si toos ah isugu xireysa labad dal.

Boqortooyada ayaa arrintaan uga dhawaaqday telefishinka kadib kulankii madaxweynaha Masar, Cabdal Fataax el-Sisi iyo boqor Salmaan ka hor heshiiskii labada wakiil ay kukala saxiixdeen maalgashigaa.

Salmaan ayaa sheegay in heshiis wax ku ool ah uu la gaaray madaxweynaha Masar.

Arrintaan ayaa sidoo kale noqotay tillaabo taariikhi ah oo si toos ah laisugu xirayo labada qaaradood ee kala dhaca Afrika iyo Asia oo lagu wado inay sare u qaado xirriirka ganacsiga ee dalalkaasi heshiiska gaaray iyo guud ahaanba labada qaaradood.

Weli si toos looma shaacin goobta rasmiga ah ee laga taagayo buundadaasi hase yeeshee agagaarka ugu haboon ayaa lagu sheegay koonfurta Sharm el-Sheikh ee wadanka Masar iyo Ras Alsheikh Hamid oo ku taala Sucuudiga.

Qorshaha dhisida isku xirka buundada ee kormareysa Badda Cas ayaa goobta laga galayo lagu sheegay gacanka Aqaba oo sanado dhowr ah iska ahayd dhuumo duleela.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa taageertay Mr Sisi, kadib markii uu xukunka ka tuuray sanadkii 2013 madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Maxamed Morsi oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kaasoo shaki badan ay ka qabtay Xukuumadda Riyadh.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.