4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
Ergayga Midowga Afrika oo Arrimaha Somalia kala hadlay Safiirrada Turkiga iyo Imaaraadka

Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa kulammo looga hadlay arrimaha Somalia kula yeeshay Muqdisho danjirayaasha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta u jooga dalka Soomaaliya.

Kulammadaan oo dhacay Axaddii shalay ahayd, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeyay AMISOM iyo waddamadan si wadajir loogu taageero Soomaaliya. Waxaana Danjire Francisco Madeira uu sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u xoojin lahaayeen deggenaashaha iyo nabadda Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira oo la hadlay Warbaahinta, kaddib kulankii uu safiirka Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar ayaa sheegay inay kawada hadleen xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Midowga Afrika, sidoo kalena ay isla garteen in gacan ay kawada geystaan xoojinta nabadda dalka.

“Turkigu waa Wadanka Maal-gashiga ugu badan ku sameysanaya Somalia, wuxuuna sidoo kale ka caawiyaa Somalia dhinacyada Caafimaadka, Adeegyada bulshada iyo kuwo kale oo badan. Waxaana dalalka kale ugu baaqayaa inay ku daydaan,” ayuu yiri danjire Madeira.

Safiirka Dalka Turkiga u jooga Soomaaliya, Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad-celiyay booqashada uu ugu yimid ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madeira, isagoo xusay inay kawada hadleen arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Somalia.

“Waddan ahaan… Waxaa mar walba naga go’an inaan mar walba wad-shaqeyn dhaw aan la yeelanno AMISOM, si aan uga shaqeyno mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Bekar, kaddib kulankii danjiraha Midowga Afrika ee Somalia uu kula yeeshay dhismaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Dhanka kale, Danjire Madeira ayaa kulan kula yeeshay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho, danjiraha dalkaas u jooga dalka Soomaaliya Mohamed Al-Othman, iyagoo kawada hadlay arrimaha amniga iyo gargaarrada ban’aadamnimada.

“Arrimo badan ayaanu kawada hadlanay Safiirka, kuwaasoo intooda badan ahaa sidii loo xoojin lahaa hawl-gallada Somalia si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka, si dalka ay uga dhacdo sannadkan dhammaadkiisa doorasho,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Danjire, Mohamed Al-Othman ayaa isna dhankiisa sheegay inay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka wada-hadleen wada-shaqeyn dhexmarta Midowga Afrika iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale inaan gacan ka geysanno sidii Somalia loo nabadeyn lahaa. Waxaan kaloo ka hadlay taageerada hay’adaha amniga ee wada-shaqeynta ay kala dhexeyso AMISOM.

Ugu dambeyn, kulankan dhexmaray ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliyaiyo safiirrada dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta u jooga Somalia ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay uu Muqdisho ka furay shir looga hadlay qaabeynta doorashooyinka dhisi doona sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya