4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2016
Kenya: Ajaaniib loo soo xiray falal dambiyeed dhanka internet-ka ah

Xaafada Runda ee Nairobi, Kenya


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL)-Baarayaasha dalka Kenya ayaa jimcihii lasoo dhaafay xabsiga u taxaabay 41 ajaaniib ah oo ku howlanaa sida la sheegay aasaasida xarun is gaarsiin oo casri ah gudaha xaafada Runda ee magaalada Nairobi.

Dadkaan ayaa isugu jiray 9 dumar ah, 32 rag ah oo 22 kamid ah ay u dhasheen shiinaha halka 19 kalena ay yihiin Taiwanese.

Laamaha amaanka oo uu hor kacayey agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Ndegwa Muhoro ayaa gurigaasi roondo saaray iyagoona halkaasi kasoo qabtay dhowr aalad oo ah nooca isgaarsiinta oo ay ku jireen 14 laptop, sideed ka mid ah teleefoonada gacanta iyo alaab kale oo muhiim ah.

Muhoro ayaa sheegay inay sidoo kale baacsanayaan milkiilihii guriga iyo ruux Kenyan ah oo dadkaasi wadanka soo galiyey.

Muwaadiniinta shisheeye ayaa sida ku cad baasaboorada ay siteen waxaa ay haystaan muddo 3 bilood ah oo booqasho dalka ay ku joogayaan, islamarkaana haatan ayaa la baarayaa wixii ay damacsanaayeen.

Dadkaasi ayaa la sheegay ruuxii ugu horeeyay inuu dalka soo galay 18-kii bishii febraayo ee sanadkaan halka kii ugu dambeeyayna uu wadanka yimid 1-dii bishaan aynu ku guda jirno ee Abriil.

Booliska ayaa macluumaad ku saabsan arrimaha dadkaan waxaa u soo gudbiyey xubnaha bulshada ee xafadaasi oo ka shakiyey dhaq dhaqaaqa dadka la tuhunsan yahay.

Sida lagu sheegay baaritaano horudhac ah eedeysanayaasha ayaa aasaasayay xarun talis ah oo laga hago isgaarsiinta taasoo lagu xiri rabay mid ka mid ah qolalka si ay qorshohooda uga fuliyaan.

Baarayaasha kasocda ciidmada waaxda CID-da qaybteeda qaabilsan arrimaha kombuyuutarada ayaa gacanta loo galiyey kiiskaasi si baaritaano qotto dheer ay ugu sameeyaan.

Sanadkii 2014-kii xarun weyn oo talis isgaarsiin ah oo carqaladeyneysay nidaamka isgaarsiinta dalka Kenya ayaa isla xaafadaasi lagu qabtay.

 

Xafiiska Wararka ee HOL

Magaalada Nairobi, Kenya.