4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2016
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia oo Dil Toogasho ah ku Fulisay Xasan Xanafi


Isniin, Abriil 11, 2016 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa goor-dhow oo maanta ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo laba jeer oo isku xirta lagu riday xukun dil ah.

Xasan Xanafi oo ciidanka nabad-sugidda Somalia loosoo gacan-geliyay dhamaadkii 2014-kii, ayaa makamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida - waxay ku xukuntay dil toogasho ah horraantii bishii lasoo dhaafay ee Maarso.

Sidoo kale, Maxkamada sare ee ciidanka xoogga Dalka ayaa mar kale xukun dil Toogasho ah ku ridday Xasan Xanafi Dhamaadkii isla bishi Maarso, iyadoo lagu fuliyay Xukunkaas maanta oo Isniin ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday Fagaaraha Dugsiga Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil badan oo ka tisran maxkamadaha ciidamada dalka.

Dhanka kale, Xasan Xanafi Xaaji ayaa waxaa loo haystay inuu ka dambeeyay dilal loo geystay tiro wariyeyaal ah iyo inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo dagaallo kula jirta dowladda Somalia muddo sannado ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya