4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
SAWIRRO: Boqollaal Arday oo Maanta ka Qalin-jabiyay Xarunta Jaamacadda Hope ee Muqdisho

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Arday tiradoodu ahayd 242 ayaa maanta ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Hope ee magaalada Muqdisho, iyadoo Ardaydaan ay isugu jireen kuwo qaatay Shahaada koowaad ee Bachelor-ka iyo kuwo Qaatay Shahaadada labaad ee Master-ka.

Xafladdii Qalin-jabinta boqolaalkaan arday, ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaarihii Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi, Maamulkaa iyo Macallimiinta Hope University, xildhibaano, agaasimayaal, gudoomiyeyaal degmo, Arday, Waaliddiin iyo Marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadda, ayaa waxaa furay guddoomiyaha Jaamacada Hope ee Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, Prof. Najiib Sheekh C/kariin, wuxuuna si ka warbixiyay wax-qabadka Hope University iyo Qorshayaasha ay Hig-sanayso Mustaqbalka dhaw iyo midka fog.

Sidoo kale, Xafladda ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Mas’uuliyiintii Goob-joogga ka ahaa, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay waxbarashada bulshada u leedahay, iyagoo Jaamacadda Hope, ku amaanay kaalinta ay Xilligaan kaga jirto horumarinta Waxbarashada Dalka.

Boqolaalka Ardayda ee maanta ka qalin-jabiyay Hope University, ayaa waxay isugu jireen; 151-arday oo la guddoonsiiyay Shahaadaha heerka 2-aad ee Master-ka, kuwaasoo ka baxay Kulliyadaha; Public Health, Health Service Management, Public Administration, Business Administration, Development Studies, International Relations and Diplomacy, Economic Planning iyo Policy.

Dhanka kale, Waxaa iyagana la guddoonsiiyay Shahaada Heerka Koowaad ee Bachelor-ka, Arday tiradoodu ahayd 91-arday, kuwaasoo ka baxay Kulliyadaha; Public Health, Business and Public Administration iyo Medicine.

Ugu dambeyn, Ardaydan boqolaalka ahaa ayaa waxaa Munaasabaddda lagu guddoonsiiyay Shahaadooyinkoodii, iyadoo ay Farxadi ka muuqatay Wajiyadooda. Dhinaca kalena, waxaa xusid mudan in ardaydan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ay inta badan xirnaayeen Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliyeed, ayna wateen agabyo kala duwan oo Soomaalidu ay ku tahay caan.

Si kastaba ha ahaatee, Ma ahan markii u horreysay oo Jaamacada Hope oo Xarumo ku leh, Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa ay ka qalin-jabiyaan arday dhameystay Heerarka kala duwan ee Waxbarashada Jaamacadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya