4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Gudiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo Sheegay in ay Eryeen Guddoomiye ku Xigeenadii Xisbiga


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye, ayaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo ku xigeenkii Sadexaad C/raxamaan Maxamed Talyanle - ku eedeeyey inay jabiyeen xeerkii xisbiga, isla markaana xisbiga laga saarey.

Labaddan masuul ayaa lagu eedeeyey inay qodobadda xisbiga Kulmiye ku Xad-gudbeen, isla markaana horena digniin loo siiyey, taaasina ay keentay inay lumiyeen xubinimaddii xisbiga iyo xilalkii ay ka hayeen.

“Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye oo shir isugu yimid xalay, waxay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeennadii 2-aad iyo 3-aad ee Xisbiga oo hore loogu Gudbiyey,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenak xisbiga Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Guddida fulinta oo qodobaynay xeerarka ay jabiyeen ayaa qoraalkaasi lagu yidhi “Guddida Fulintu kadib markay arkeen xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka sagaalaad, faqradiisa shanaad, Qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.

Guddida Fulintu kaddib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, Qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad, waxay go’aan ku gaadheen:

1. In Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee Xisbiga uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

2. In C/raxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii saddexaad ee xisbiga uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.”.

Labadan masuul ayaa iyagu ka mid ahaa siyaasiyiinta la magac baxay isbahaysiga Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo diidanaa shirweynihi golaha dhexe ee lagu doortay Musharaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, kuwaa oo shirkaas ku tilmaamay mid xaaraan ah, iyagoo tan iyo markii shirkaas dhacay bishii 10-kii Nov, 2015, aan caqbalin natiijadii lagu doortay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi.

Hase yeeshee, Xuseen Axmed Caydiid oo ah Afhayeenka isbahaysiga Kulmiye ayaa xusay inaanu gudoomiyuhu awood u lahayn inuu ku xigeenadiisa eryi karo.

“Koox yar oo meel fadhiisatay oo la safan Garabka Muuse Biixi - Cidna ma Cayrin karaan, labada guddoomiye xigeen ee mar lala doortay isaga, horana waxaad u maqasheen in Shan xubnood la yidhi waa laga saaray Xisbiga Kulmiye, Waana hadal ruux uu iska yiri, Xeerka xisbiga ee qodobkiisa 14-aad wuxuu sheegayaa gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, Guddida fulinta iyo golaha dhexe in shirweyne lagu dooran karo, cid ka  hor imaan karta Qodobkaas ma jirto, cid wax ka qaadi kartaana ma jirto, taasina waxay ka dhigan tahay madaxweynaha oo yidhaahda ku xigeenkiisa ayaan eryeyaa” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland