4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta Soo Dhaweeyay Guusha Madaxweynaha Jabuuti

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay ka qayb-galeen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa lagu taageeray guusha madaxweynaha Jabuuti - Ismaciil Cumar Geelle oo Jimcihii lasoo dhaaftay dadka reer Jabuuti markii afaraad u doorteen in uu madaxweyne ka sii ahaado dalkaas.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waaweyn ee G/Hiiraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan si isku mid ah u soo dhaweynayaan dib u doorashada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah shaqsi wax badan la soo qabtay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan maarka la eego doorkiisii xal u helada xaalada Soomaaliya.

Sidoo kalem waxaa shirka ka hadlay oo si isku mid u soo dhaweeyay doorashada markii afaraad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage, Ugaas Cali Ugaas Max'ud Ugaas Shafiic, iyo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar.

Dhinaca kale, Waxaa aragtidooda ka dhiibtay guusha Madaxweynaha Jabuuti, mas'uuliyiin xilal kala duwan kazoo qabatay Somalia, aqoonayhaano iyo waxgarad xusay in Geelle wax badan uu la soo qabtay shacabka dalkiisa, iyaga oo intaa ku darray inuu intii uu xilka hayay Jabuuti ku talaabsatay hormar dhinacyo badan oo la taaban karo.

Ugu dambeyntii, Jabuuti waxaa gobolka Hiiraan ka jooga ciidammada ugu faraha badan ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasoo ka howlgala Degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya