4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
INDIA: Tiro ka badan Boqol Qof oo ku Dhintay Shil ka dhacay Goob uu Xus Sanadeed ka Socday


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Qarax iyo Dab ka dhashay Waxyaabaha la Rido Xilliyada la Dabaal-dagayo, ayaa ugu yaraan 100 ruux ku dilay Macbad ku yaalla Gobolka Kerela ee Dalka Hindiya, sida ay booliisku sheegeen Axadda Maanta ah.

Dabrid-kan ayaa loogu dabaal-dagayay sannad cusub oo Wadankaas oo looga dabaal-dago. iyadoo qaraxan ka dhashay goobtaas uu sababay inuu dumo macbadkii, taasoo oo sababtay geerida ka dhalatay inteeda badan.

Sidoo kale, In ka badan 200-qof oo kale, ayaa ku dhaawacmay macbadka dumay. Waxaana Saraakiil xukuumadda Hindiya ka tirsani ay sheegayaan inaysan dadkaas siinin ogolaansho ay ku isticmaalaan dabrid-kaas, iyagoo ka baqaya inay khatar kaga timaaddo.

Rai’sal Wasaaraha Waddanka Hindiya, Narendra Modi, ayaa lagu wadaa in uu gaaro halka ay ka dhacday masiibadaan oo ku taalla Magaalo Xeebeedka Paravur. Si uu shilka ugu soo sameeyo indho-indheyn.

Dhanka kale, Shilkan khasaaraha badan geytay ayaa dhacay xilli habeen ah, iyadoo aroortii ay tageen boqolaal qof oo baadi-goobaya ehelladoodii halkaas ku sugnaa, xilliga musiibadu dhacaysay.

Hay’adaha Gurmadka deg-degga ah ee Dalka Hindiya ayaa adeegsanaya gaadiid ay ka mid yihiin cagaf-cagafyo si ay burburka Dhismaha u qaadaan, Bur-burkaan oo la tuhusan yahay inay dad ku hoos jiraan.

Boqollaalkii Ruux ee dhaawacyada kala duwan soo gaareen, ayaa intooda badan aad u liita, sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadku, iyadoo dhaawacyadaas lagu daweynayo kuliyad caafimaad oo ay dawladdu India leedahay.

Ugu dambeyn, Dhakhaatiirta Takhasuska leh, ayaa laga soo diray magaalada New Delhi ee Xarunta Waddanka Hindiya, si ay Dhaawacyada u daweeyaan, iyadoo lasoo sheegayo inay jiraan dad uu jidhkoodu aad u gubtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya