4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
SAWIRRO: Bayaan kasoo baxay Kulan Maanta ay HAWEEN Soomaaliyeed ku yeesheen Muqdisho

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Kulan maanta ay Muqdisho ku yeelatay Haweenka mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, ayaa laga hadlay xaaladda uu dalku xilligan ku sugan yahay iyo sidii Haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Xuquuqaha ay saamiga ugu leeyihiin hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Dood muddo socotay kaddib, ayaa waxaa kulanka laga soo saaray bayaan ku saabsan halka uu dalku marayo, Waxaana kulankan uu ahaa mid intiisa badan ay ka qayb-galeen Haween. Wuxuuna War-murtiyeedka lasoo saaray u qornaa sidan;

1. Haweenku, waxay laf-dhabar u yihiin Bulshada Soomaaliyeed, waxayna xaq u leeyiihiin in la siiyo mudnaanta iyo kaalinta ay ku leeyihiin talada iyo Masiirka ummadeed.

2. Waxay xaq u leeyihiin Haweenku inay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin baarlamanka iyo hay’adaha kale ee xukuumiga ah ee la dhisayo, lana Xaqiijiyo in Qoondadii ay ku leeyihiin oo aan laga duudsiin.

3. Beelaha Soomaaliyeed qaabkooda wax-qaybsiga golaha sharci-dejinta ama Baarlamanka iyo weliba xukuumadaba, waa inay si hufan u muujiyaan ayna xil iska saaraan in haweenka Soomaaliyeed inta ay qabiil walba ku leeyihiin ay uga muuqato si xaq ah.

4. Waxaan Haweenka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay isu abaabulaan ka qayb-qaadashada xulintaanka xubnaha baarlamanka Soomaaliya ayna kaalintooda ka qaataan aayo-ka-talinta ummadda Soomaaliyeed.

5. Waxaa lagama maarmaan ah in beeshu hesho isbedel dhab ah kaasoo ah mid ku saleysan Waxqabadakii hore iyo hal-beeg xisaabtanka oo sal ay u tahay maxaa qabsoomay? Maxaan Qabsoomin?  Yaa mas’uul ka ah dhibaatooyinkii noosoo wajahay? Si hore loogu socdo.

6. Waxaan u soo jeedinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada kale ee ka qayb-qaadan doona xulista baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda inay ka fogaadaan wax walba oo dhaawacaya sharciyada iyo in lala yimaado falal fool-xun; sida laaluushka & in musuq-maasuq xil lagu raadsho.

7. Haweenka Beeshu waxay soo jeedinayaan in Gurmad lala gaaro Deegaannada ay beeshu degto ee ay ku habsadeen Abaaraha iyo Ammaan-darrada ka dhalatay Colaadaha ka socota, isla markaana loo guntado sidii wax looga qaban lahaa.

8. Waxaan soo jeedinaynaa in sida ugu dhaqso badan deegaannada beesha looga dul-qaado cadowga dul-saaran, haweenkuna hormuud u noqodaan, iyadoo lala kaashanaayo shacabka, dowladda iyo Beesha Caalamka.

9. In la ilaaliyo midnimada guud, iyadoo haweenku ay hormuud ka yihiin.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa goob-joogayaal ka ahaa Waxgarad kala duwan oo kasoo jeeda Beeshaan oo degta Magaalada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya