4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Tababarihii hore ee Kooxda Chelsea oo Diiday in uu Tababbare u Noqdo Xulka Qaranka SUURIYA


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee dalka Britain, Jose Mourinho ayaa diiday inuu Tababbare ama macallin u noqdo Xulka Qaranka Suuriya, sida uu wakiilkiisa gaarka ah u sheegay warbaahinta.

Jorge Mendes - oo ah Wakiilka Mourinho ayaa Qoraal uu Wakaaladda Wararka AP u diray ku sheegay in macallin Jose Mourinho laga codsaday inuu tababaro xulka qaranka Suuriya, balse uu ku jawaabay. "Aad baan uga Maqsuuday inaad Marti-qaad ii fidisaan, balse hadda ma aqbali karo inaan Tababbaro u noqdo xulka Suuriya".

Mourinho oo 53-jir ah kana soo jeeda dalka Protugal ayaa markii labaad laga eryay kooxda Chelsea bishii December ee Sannadkii lasoo dhaafay, isagoo horay u soo layliyay kooxaha; Porto, Real Madrid iyo Inter-Milan oo Yurub ka dhisan, ayaa hadda la sheegayaa inuu kala dhexeeyo heshiis hoose kooxda Manchester United.

Wararka, ayaa waxay intaas ku darayaan in Jose Mourinho uu Toddobaadkii lasoo dhaafay guri ka raadsanayay Cheshire kaddib markii wakiilladiisa gaarka ah ay si hoose wadahadal ula yeesheen kooxda Manchester United ee dalka Britain.

Jose Mourinho oo la hadlayay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu doonayo inuu kusoo laabto hor-yaalka dalka Britain, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahinno ka bixiyo heshiiska hoose ee uu kula jiro kooxda Manchester United, kaasoo uu xusay inuu mar kale kala hadli doono Warbaahinta.

“Ma doonayo inaan meel kale aado, waxaan doonayaa inaan kusoo laabto xilliga soo socda horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga. Waanan maqlay in kooxda Qaranka Suuriya ay i weydiisteen inaan tababare u noqdo,” ayuu yiri Mourinho.

Dhanka kale, Xulka Qaranka dalka Suuriya oo aan weligood u soo bixin koobka Adduunka ayaa dhawaan eryay tababarahoodii Fajr Ibrahim, inkastoo xulku uu soo gaarto wareegyada ugu dambeeya ee koobka Asia, kaasoo la filayo inuu billowdo bisha August ee Sannadkan.

Bayaan ay todobaadkii hore ay Xulka Suuriya soo dhigeen Internet-ka ayay ku sheegeen in ay doonayaan in macallin Mourinho uu tababare u noqdo xulka Qaranka Suuriya, si awood ugu yeeshaan inay xoojiyaan awooddooda ciyaareed.

Xulka Qaranka Syria ayaa wuxuu kaalinta 123-aad kaga jiraan qiimeynta FIFA ee kooxaha Adduunka, iyagoo Kaalinta 12-aad kaga jirta Qiimeynta kooxaha Asia. Iyadoo weli ku jirta tartanka is-reeb-reebka koobka Adduunka ee Qaaradda Asia.

Ugu dambeyn, Xulka Qaranka Suuriya ayaa tan iyo markii uu dalkaas dagaalka Sokeeye ka qarxay, iyagoo cayaaro u taga Dalalka dariska la ah dalkaas sida dalka Cummaan iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya