4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
SAWIRO: Roobab Waxyeelo Geystay oo ka da’ay Deegaano abaari ku dhufatay oo ka tirsan G/Sool


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Roobab ma hiigaan ah ayaa ka da’ay deegaanno badan oo ka Tirsan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle oo ay ka jireen Waqtiyadii lasoo Dhaafay Xaalad Abaareed oo aad u daran, kuwaasoo kumannaan qoys oo gobollo kala duwan kasoo yimid ay yaga iyo xoolahooda nolol u soo raadsadeen.

Degmada Xuddun oo deegaanno badan oo hoos-yimaada oo xaaladaha bani-aadaminmo oo darani ay ka taagnaayeen xilliyadii dambe ayaa roobabkii gu’ga ku hooreen, iyadoo weli ay jiraan dhul aanay roobabku ka di’in.

“Roob wanaagsan ayaa ka da’ay deegaanka... welina ma maqal khasaare ay geysteen, balse Niyadda kumanaan qoys oo halis ku jiray ayuu dib u soo nooleeyay,” ayuu HOL u sheegay - Saleebaan C/raxmaan Cali [Fara-toon] oo ku sugan Magaalada Awr-boogeys oo ka tirsan degmada Xudun oo Qiyaastii 150-KM - Waqooyiga kaga beegan Magaalada Laascaanood.

 

Degmada Taleex, ayaa iyadana laga soo sheegayaa Roobab ka da’ay dhulka sare ee Soolka ah, sida uu Xuseen Cabdi Timir noo xaqiijiyay, isagoo sheegay in Sar-maanyo oo uu joogo ay weli ooman tahay, laakiinse deegaannada ku dhow-dhow ay roobab aad u wanaagsan ka da’een.

Sidoo kale, Koonfurta degmada Taleex - ayaa iyadana laga soo sheegayaa roobab khasaare u geystay Qoysas reer guuraa ah dulleedka Tuulada Fali-dhyaale, kaasoo isugu jira geel iyo ari sida uu noo xaqiijiyay Cali Maxamuud.

Deegaanada oomanaha ah ee Hawdka Gobolka Sool oo waqtigaan ay ka taagan tahay cabsi laga qabo biyo-la’aan - ayaa inta badan Roobkani maray, deegaannadan ayaa waxaa ka mid ah; Kala-bayr, Xidh-xidh, Dhummey iyo deegaanno kale, halka deegaanno badan oo Hoos-yimaadana Widhwidh ay Roobabku ku hooreen.

Ugu dambeyn, Roobabkan ayaa ahaa kuwo nooleeyay niyada dad badan oo quus ba’ani ay haysatay muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo deegaanadaas ay uga dhammaadeen inta badan xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool