4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
SAWIRRO: Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM oo loo Tababbaray FUDUDEYNTA Gar-gaarrada

Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], ayaa Muqdisho lagu siiyay Tababbar ku Saabsan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen hay’adaha Samafalka ah ee Somalia ka hawl-gala si gargaarada bani’aadamnimo loo gaarsiiyo shacabka u baahan.

Tababbarkaan oo toddobaadkan la qabtay ayaa socday muddo laba maalmood ah, Waxaana si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay xafiiska isku-duwida Gar-gaarrada Bani’aadamnimada QM - UNOCHA iyo Hawl-galka AMISOM, Waxaana ujeedadiisa lagu sheegay qorsheynta gargaarrada bani’aadamnimo ee Soomaaliya iyo sidii shacabka loo wacyi-gelin lahaa.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira oo Tababarkan ka hadlay ayaa sharraxay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo arrimaha gargaarka bani’aadamnimo. Isagoo xusay in tani ay muhiimad u leedahay isku soo dhawaanshaha iyo wada-shaqeynta AMISOM iyo hay’adaha gargaarka ee ka hawl-gala Somalia.

“Xaaladaha Bani’aadamnimo ee ka jira Somalia - way soo kordhayaan, marka waa muhiim in wada-shaqeyn dhow ay dhex-marto AMISOM iyo hay’adaha Sama-falka Soomaaliya ka shaqeeya. Tababarkan wuxuu muhiimad kale oo gaar ah u leeyahay in la ilaaliyo Shacabka, in gargaarrada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sidii Qiimeyn loogu sameyn lahaa shacabka ku nool deegaanada dhawaan la xoreeyay,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia ayaa xusay inay tani muhiimad u leedahay - sidii AMISOM iyo Hay’adaha Samafalka QM ee ka hawl-gala Somalia ay dib ugu eegi lahaayeen Xaaladaha Bani’aadamnimo ee Dalka ka jirta iyo Caqabadaha jira sidii ay uga gudbi lahaayeen.

Waxaa isaguna Tababarkaan ka hadlay ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya, Peter de Clercq, isla markaana ah xiriiriyaha QM ee Gargaarada Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in hay’adaha Samfalka ee ka hawl-gala Soomaaliya ay ku shaqeeyaan xaalad adag. Isagoo xusay in loo baahan yahay in hay’aduhu ay helaan waddooyin ay Gargaarada ku gaarsiiyaan goobaha ay dowladdu maamusho iyo weliba goobaha ay kooxaha hubeysani gacanta ku hayaan.

“Samafalayaasha iyo ciidamadu inta badan ma ahan kuwo uu is-faham ka dhex-jiro, wayna adag tahay in inta badan labada dhinac ay duqaad u yeeshaan inay isla shaqeeyaan. Sidaas awgeed, waxaan rajeynayaa in Tababbarkaan uu abuurayo is-faham dhexmara dhinacyadan iyo inay xoojiyaan wada-shaqeyntooda,” ayuu yiri Peter de Clercq.

Tababarkan ayaa waxaa la siiyay 20 sarkaal oo ka tirsan Qaybaha AMISOM ee Millateriga & Booliiska, kuwaasoo ka kala socda dalalka; Jabuuti, Gaana, Kenya, Burundi, Uganda iyo Nigeria.

Col. Daahir Aadan Abraar oo ah ku xigeenka Mas'uulka shaqaalaha hawl-galka AMISOM, ayaa xiritaankii Tababbarka wuxuu ku boorriyay saraakiishii ka qaybgalay inay wixii ay ku barteen aqoon-is-weydaarsiga ay ku daba-qaan hawlaha loo igmaday.

“Dhab ahaantii… waxaad la idiin kugu talo-galay inaad ka hawl-gashaan goob ay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo oo daran, sida Somalia oo kale. Dhabtii Somalia waxay u baahan tahay gargaar bani’aadamnimo oo aad u badan, waayo waxaa soo maray colaado iyo Xasil-looni-darro muddo soo jiitamaysay,” ayuu yiri Col. Daahir Abraar.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Tababbarkaan ka qayb-galay ayaa lagula dar-daarmay inay ka fogaadaan ku takri-falka gargaarka, inay galaan tartan & inay raashin isku mid ah qaadaan. Waxaana tababarkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo loo qabto saraakiisha ciidamada kala duwan ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya