4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2016
Booliiska Somaliland oo shaaciyay inay Qabteen laba Qof oo Dilal kala duwan ka Fuliyay Hargeysa


Axad, Abriil 10, 2016 (HOL) — Ciidanka Amaanka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Gacan-ku-dhiigle oo meelo Magaalada Hargeysa ka tirsan ka geystay Dilal kala duwan ka geystay, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland, Jen. Faysal Xiis, ayaa sheegay inay qabteen Ninkii Xaafadda Isha Boorama ee Degmada 31-ka May ee koonfurta Hargeysa ku dilay nin ganacsade ah wakhti uu gurigiisa ku sii socday, halka Nin kale oo isna Toorey  ku diley qof kale bariga magaaladda Hargeysa ay gacanta ku soo dhigeen.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in Ninka Ganacsadaha ahaa uu nin kaliya toogtay, isla markaana aanay ahayn koox iyo debley ah, nasiib wanaaga ay Ninkii iyo qorigii uu ku toogtayba gacanta ku hayaan, halka gacan ku dhiiglaha kale Ninna toorey ku dilay midna ku dhaawacay.

Afhayeenka booliiska, Faysal Xiis oo sida dilalkaas kala duwani u dhaceen ka warbixinaya waxa uu yidhi “ xaafadda isha boorama ee koonfurta magalada Hargeysa bisha 7/4/2016 wakhti ay saacadu ahayd 10:30 habeenimo ayaa lagu dilay Allaha u Naxariistee Marxuum Cismaan Daahir Xuseen oo ahaa 50-jir ganacsade ah oo Bakhaaro ku haysto xaafadaasi, ka dib markii  isagoo meherada ka baxay kuna si socda gurigiisa uu si ula kac ah u dilay gacan ku dhiigle Mawliid Cabdi Faarax oo Dayib loo yaqaan, kaasi oo markiiba ciidanku gacanta ku soo dhigeen isaga iyo qorigi  uu wax ku dilay,  dabely dishayna may jirin ee Nin kaliya aya toogtay isagiina gacanta lagu haya, waxa iyana shalay dhacday bisha 9/4/2016-ka waxa toorey lagu dila marxuum la odhan jirey Maxamed Daahir Iimaan oo sodan jir ah, waxaana dilay gacan ku dhiigle  Cabdifataax Aadan Maxamud oo isna sodon jir ah, isla markii uu falkaasi dhacay waxay ciidanka gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigliihii dambiga galay iyo Tooreydii uu ku dilayba, sidoo kale wuxu eedeysanahaasi dhaawac u geystay  dhibane Hanad Xuseen Faarax oo sagaal iyo toban jir ah, waxaanay tooreyda kaga dhuftay naaska bidix hoostiisa, ninkaasi dhaawaca ahina wuxuu yaala cisbitaalka guud ee Hargeysa.”.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa Xusay in koox budhcad ah oo Meherad Jaadka lagu iibinayay boobtay ay soo qabteen, waxaanu yidhi  “ waxa xaafada Daloodh ee degmadda 26-kii Juun ayaa niman budhcad ahi waxay boobeen nin Jaad iibiya, iyagoo qaatay qaadkii iyo lacagtii uu watay, waxaana meherada lahaa dhibane Khaliil Cabdi Muxumed oo 30-jir ah, markiiba waxaa goobtii ku baxay Ciidanka Booliska, waxa Nasiib-wanaag ah in ciidanku gacanta ku soo dhigeen budhcadii iyo kuwii  gacanta siinayeyba, iyagiina way xidhan yihiin dhamaan-toodna sharciga la hor geyn doonnaa.”

Dhinaca kale, Taliyaha booliiska Somalialnd, Jen. C/llaahi Fadal Iimaan ayaa Gaadiidleyda uga digay wakhtiyada roobka inay isku dayaan in ay xoog ku jiidhaan dooxyada magaalada loo sii maro, maadama lagu jiro xilliga gu’ga oo inta badan shilalka ugu badani ay noqdaan Gaadiidka ay biyaha Dooxu Qaadaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland